Pro.Cali Khaliifow Xaal-Qiimo leh Qaado, Abdinasir Buuni Afkiisu Matalayaa, Awdal AF- Wanaagsan oo Danteeda ah baa Matali Kara!! Dr.Khadar-Libaaxley

SomaliLand waxa jira Dhal-baas iyo Caruur sheydaan oo aan Sama-wade aheyn, Caruurtaa shaydaanku waxa ay ka dhex hadlaan sidii jinka 1) Dadka inta Daciifka ah 2) in dan shakhsiya iyo licib saqiir ka rabta si ay ugu muraad qumiyaan 3) iyo shakhsiyaad kooban oo xog laawayaal ah oo mar iyo laba ba la qaldi karo.
Caruurtaa shaydaanku Dantooda wey u ill dheeryihiin, wax-kasta oo Dantooda ka hor imanaya waxa ay u yaqaanaan Cadow halis ku ah iyaga; Damacooda dhabta ah waa iyaga mooyaane in aaney Cid kaleba jirin ama aaney muuqanin Mustaqbalka Fog, Dadka waxa ay u jecelyihiin inta Ducafada ah, inta naafada ka ah garashada saxda ah si ay ugu muraadsadaan oo ay u fuliyaan Danahooda iyo sida ay ugu badinayso iyaga.

Ficilada sheydaanta shaqada inta ugu yar ee ay qabtaan Caruurtaa Shaydaanku waxa kamid ah :
1.Beel Somaliland kamid ah marka ay Saami-qaybsi iyo Somaliland lawada leeyahay ay ka hadlaan iyo Danta guud ee Dalka iyo Dadka waxa aad arkaysaa iyaga oo ugu jawaabaya ( Waa laga dhex hadlayaa !! Somalia ayey Mashruuc ka soo qaateen!! Iyo Cadowga ayey u adeegayaan).
2. Ta ugu yaabka badan Caruurtaa shaydaanku toos umma hadlaan iyagu ; Marka ay arkaan ficil ay dhibsadaan ama hadal ay dhibsadaan waxa ay ka shaqeeyaan in ay raadiyaan Shakhsi Daciif ah oo ay ka dhex hadlaan si fariintooda iyo jawaabtooda warbaahinta looga arko iyaga oo ku raad gadanaaya shakhsi kale oo hayb-wadaag aan la’aheyn iyaga.( they use another microphone to transmit their message to the concerned community ).
3. Caruurtaa Shaydaanku iyaga oo ku raad gadanaaya magaca iyo fursadaha dawliga ah hadba dawlada markaa joogta waxa ay horumariyaan 80% kaliya inta Deegaankoodu yahay; Somaliland la wada leeyahay ka hadalkeeda marka ay noqoto , Cudur iyo Cadanyo ayey ka qaadaan.

Pro. Cali Khaliif Xaal weyn oo Qiimo leh iyo Raali galin waliba aniga oo khajilsan ayaan hawada u marinayaa!! Aniga oo ka xaal siinaya hadalkii foosha xumaa ee kas-darada badan ka muuqatay ee uu ku tiraabay wiilkii Cali khaliif Saaxiibkii dhaley ee la yidhaa CabdiNaasi Buuni.
Cabdinaasi Buun hadal kasta oo wanaagsan oo danta awdal iyo danta dadka reer awdal wax u taraaya uu ku matali karaa, balse Awdal kuma matali karo hadal kasta oo fool xun isiga oo uga gol-leh in uu ugu dawaro tago sifo shakhsiya, hadalka uu ku ganey pro.Galeydh waa Dayl-Qaaf uu shakhsi ku yahay CabdiNaasir Buuni , kuma matalo Awdal iyo Dadkeeda.
Pro.Cali khaliif waa Madaxweynaha KHaatumo-State , Reer khaatumo iyaga oo Reer Somaliland ah ayey Somaliland Hishiis kula jiraan, ixtiraam iyo Qadarin ayuu Awdal iyo Dadkeeda ka mudanyahay waayo Duruufo ay wadaagaan ayaa kabadan Qardoofo .
Badi Dadweynahay Reer Somaliland waa dad gob ah oo wanaagsan , si wanaaga iyo midnimadu u sii xoogeysato waxa ay gayaan in lagu dhaqo Cadaalad.
Somaliland waxa ay hadal , guux iyo muran deynaysaa marka Awdal hesho Dawlad Goboleed, khaatumo hesho Dawlad Goboleed dhamaantood wada ah Somaliland waayo maanta waxa jira Somaliland Cid gaara leedahay Siyaasad ahaan , dhaqaale ahaan iyo ummad ahaan intaba.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker