Siyaasi Yuusuf Googooye Ayaa ka hadlay shirka ay qabsanayaan Beelaha Gashaanbuur Axmed Faarax (GAF).

Waxaan la wada soconaa in dalkeena ay had iyo jeer ka dhacaan shirar Beeleedyo kuwaas intooda badan. Aanay waxba u dhimin Nabad-galyda iyo Qaranimada Somaliland. Balse ay aayahooda oo keliya Ay kaga tashaadaan Beelahaasi, Sidaa daradeed Waxaan Idiin Sheegayaa kan hadda ee Gashaanbuur Axmed Faarax ee (Mubaarik7) ,waxba kama duwana shirarkaasi ay Beelihii horeba qabsadeen. 

Hadaba Siyaasi Yuusuf Ibraahim” Gogooye”.  Ayaa si gaara uga hadlay shirka Mubaarak7 ay qabsanayaan Beelaha Gashaanbuur Axmed Faarax, kaasi oo ka dhacaaya Afar casho ka dib Hotel City Plaza ee Magaalada Burco, Gobolka Togdheer  waxuuna marka hore soo dhaweeyey shirkaasi Mubaarak7 ee Beelaha Gashabuur (GAF), isagoo ku sheegay inay beelahaasi yihiin kuwo dhaqan iyo siyaasadba miisaan ku leh Somaliland , Sidoo kale Bulshada Beelahaasi ee ku dhaqan gudde iyo dibadba dhamaan si buuxda Ayaa loo wada taageeray shirkaasi ay ku dhawaaqeen Gudida Gashabuur Axmed Faarax , dhinac-kasta hiil iyo hooba Ayaa laysla barbar taagay.

Waxaase ognahay “Ayuu Yidhi Siyaasi Yuusuf Googooye ” in Bilowgii shirka la iclaamiyeyba dad badan oo Somaliland ah,  Ayaa dhegaha u taagaayey xiliga iyo wacyiga Shirku ku soo beegmay laakiin taasi ma noqon-karto ,Ayuu Yidhi  sabab shirka khusaysay, Marka hore waa shirkii caadiga ahaa ee Mubaarik ee Beeluhu yeelan jireen ee dhaqanka danaha gaarka iyo wax-wada qabsiga Beelaha GAF ku sabsaanaa , kaasoo dhowr jeer dib u dhacay. markastana  go’aanada ka soo bixi-doona wuxuu la mid yahay sida shirarkii kan ka horeeyay ee Mubarik ama Beelaha Gashaan-buur Ay ku qabsadaan dhamaan Gobolka Togdheer. Siyaasi “Yusuf Ibraahim Googooye” Ayaa faahfaahin kale ka bixiyey sababaha keenay wakhtigan inay shir isugu yimadaan Beelaha Gashan-buur .“Wuxuu ku saabsan yahay “Ayuu yidhi “shirkani Beesha Gashaanbuur (AF) waa : wax-wada qabsigooda,midnimadooda iskaashigooda iyo danahooda u gaarka ay u leeyihiin iyo inay ka shiraan ayuu aas-aaskiisu shirku yahay. ”Sidaa ayuu yidhi Yuusuf.”

Waxaan jecelnahay inuu shirkaasi sidii loogu talo-galay inoogu qabsooma, kaasi oo ka fog wax siyaasad iyo hawlaheeda  ku saabsanba , sida aan ka rajeynayno , madaama xiligii kala qaybsanaanta iyo doorashadu inaga soo dhamaatay oo lagu kala calaf-qaaday natiijadeedii, Hadana Waxaan uga digayaa, “Ayuu Yidhi”,  cid-kasta oo ay khusayso. ama fursad ka raadinaysa , Ay laabta laabta isugu saarto,  iyadoo ujeedadu tahay inay dhoolo-tus siyaasadeed ku sameeyaan, taasi shirka ayey raadka ku leedahay oo ay dhaawacaysaa sumcadiisa , Waxaan leeyahay ,”Ayuu Yidhi Yuusuf Googooye” Cid-kasta oo siyaasi sheeganaysa oo hunguri weyn qabay, si kastaba haddii ay fikirkooda Siyaadeed u Mideynayaan ama u Heshiinayaan inay Meel-kale oo gaara hala tageen iyagoo mahadsan,

Guntii iyo gabagabadii:

Waxaan shirka u rajaynayaa  inuu maxsuul wacani ka soo bixi doono , kaasi oo u cuntami kara dhamaan Beelaha  GAF oo dhan. Sidoo kale Anigu waxaan taageer-sanahay shirkaasi iyo dhamaan kuwa kale ee ay Beelahu kaga tashanayaan ayaahooda iyo danahooda gaarka ah ee reer-nimo isla markaana aan wax u dhiman Nabad-Gelyada , Wada-jirka  iyo Qaranimada Somaliland. Ayuu hadalkiisa ku soo Af-meeray Siyaasi Yuusuf Ibraahim “Googooye”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker