Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in howlgallada Al-shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.

Hadalkan ayuu jeediyay maalmo kaddib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen magaalooyin dhowr ah, kaddib weerar khasaare badan dhaliyay oo Al-shabaab ay ku qaadeen askar ku sugnaa tuulada Cowsweyne Sabtidii.

“Ama goob dagaal aan ku weyno ama qof war khaldan faafiyo, dagaalku wuu sii socon doonaa, ma joogsan doono, kama laabaneyno halka aan joogno,” ayuu yiri. “Waxaan gaari doonaa guusha ugu dambeysa ee aan raadineyno, muhiimadu waa gaarista guusha ugu dambeysa, guusha ugu dambeysa ayaa soo dhow.”

Wuxuu ammaanay ciidamada dowladda ee ku guulaystay inay Shabaab ka saaraan dhul ballaaran tan iyo markii uu bilowday duullaanka sanadkii hore, wuxuuna ammaan u jeediyay dagaalyahanadii deegaanka ee ka qeyb qaatay howlgalladaas.

“Al-Shabaab maanta waa ay ka daciifsan yihiin, tiro ahaan waa ka yar yihiin,” ayuu yiri. “Waan ka khibrad badannahay, ka tiro badannahay, ka qalab badanahay. Waxaana leennahay guushu gacanteenna ayay ku jirtaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Alshabaab, xabaalo wadaraeedyo ay ku aaseen maleyshiyaadkii uga geeriyooday dagaaladii ka dhacay Galmudug. Wuxuu sheegay dowladdu inay soo bandhigidoonto xabaalo wadareedkaas, si baaritaan loogu sameeyo.

“Waxay dhameeyeen dhaawacyadooda, [sababtoo ah] ma haystaan isbitaallo, dawo uma haystaan,” ayuu yidhi. “Ciidanku waxay gaari doonaan xabaalo-wadareedkaas oo ay baaritaan ku sameyn doonaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker