Maxbuus Budhcad ah oo Diyaarad kaga Baxsaday Xabsi kuyaala Dalka Faransiiska.

Faid

Nin burcad wayn ah ayaa baxsad ah ka dib markii uu diyaarad kuwa qumaatiga ah kaga baxsaday xasbi ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Redoine Faid waxaa gacan siiyay saddex nin oo aad u hubaysan.

Labo nin oo hubaysan oo wajiga soo qarsaday ayaa adeegsaday bambooyin qiiq ah iyo mashiinada wax lagu gooyo iyaga oo u dhacay qolka booqasha oo Faid uu kula hadlayay walaalkii.

Ninkii saddexaad ee hubaysnaa ayaa barxadda xabsiga ku ilaalinayay diyaaradda qumaatiga u kacda iyo duuliyaheeda oo ahaa macalin dadka bara duuliyenimada oo ay ragan soo afduubteen.

Diyaaradda ayaa u duushay dhanka Gonesse oo aan sidaa uga fogayn xabsiga, halkaas oo booliisku ay ka heleen.

Diyaaradda qumaatiga u kacda ee uu ku baxsaday ayaa laga helay Gonesse oo ku taalla waqooyiga Paris Diyaaradda qumaatiga u kacda ee uu ku baxsaday ayaa laga helay Gonesse oo ku taalla waqooyiga Paris

Faid oo 46 jir ah ayaa ku xukunnaa 25 sano oo xabsi ah ka dib markii uu ku guuldaraystay dhac uu doonayay in uu gaysto oo lagu dilay askari booliis ah.

Waa markii llabaad ee dad hubaysan ay xabsi u dhacaan, sannadkii 2013kiina wuxuu ka baxsaday xabsi isaga oo afar waardiye gabaad ka dhigtay isagoo dhawr albaabna qarxiyay.

Waxay u suuragashay in uu xabsiga ka baxsado badh saac ka dib markii la keenay xabsi ku yaalla waqooyiga Faransiiska, lix toddobaad ayuuna baxsad ahaa wakhtigaas.

Faid ayaa ka baxsaday xabsiga Sud-Francilien oo ku yaalla duleedka Paris Faid ayaa ka baxsaday xabsiga Sud-Francilien oo ku yaalla duleedka Paris

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker