Xildhibaanno Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay laba jinsiyad haystaan

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Barre Ducaale ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay isaga iyo xildhibaanno kale oo qaar kood ay Soomaali yihiin.

Ducaale wuxuu sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay “kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.

Hadalkan Ducaale wuxuu imaanayaa ka dib markii Guddiga ladagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya ee EACC, uu billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo khilaafsan Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.

Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo dadkaas, haddii dembiga lagu helo.

Waxaa suuragal ah in ugu yaraan 10 xildhibaan ay lumiyaan kuraastooda, arrimo la xiriira haysashada laba dhalasho, ka dib markii qof ololeeye ah uu guddiga la dagaallanka Musuqa ku qanciyay in ay baaraan sida ay daacad ugu yihiin dalalka kale, waxaa sidaa qoray wargeyska Daily Nation ee Kenya.

Guddiga wuxuu xalay sheegay in uu hubinayo xildhibaannadaas qaar ka mid ah haddii ay baasaboor kale haystaan “taas oo ka soo horjeeda sharciga”.

Ducaale wuxuu sheegay in weligii uusan qaadan dhalashada dal kale oo aan ahayn Kenya, weligiina uusan dooneyn arriuntaa.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray: “Waa arrin dadku ay wada og yihiin in aan ku faanayo dhalashada Kenya, mana haysto dhalasho labaad, weligeyna ma qaadan sharciga dal kale, mana qaadan doono weligeyna. Waxaan dhiigga ka ahayn Kenyan, weligeyna waan ku waarayaan Kenyan-nimada”.

Arrintan waxay ka dhalatay ka dib markii bishii June ee sannadkan uu guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda u qaabilsan baarlamaanka Kenya uu diiday in haweeney lagu magacaabo Mwende Mwinzi ay noqoto safiirka u fadhiya dalka South Korea.

Waxay sheegeen in ay haysato laba baasaboor oo kala ah Mareykanka iyo Kenya.

Waxay soo jeediyeen in mid ay ka tanaasusho haddii ay dooneyso in shaqada safiirnimada ay qabato oo Kenya ay wakiil oga noqoto magaalada Seoul ee Kuuriyada Koonfureed.

Mwende Mwinzi waxaa laga dalbaday laba arrin oo kala ahaa in shaqadan dhaqaalaha leh ee safiirnimada ay iska ilawdo ama in ay celiso baasaboorka Mareykanka.

Dastuurka Kenya ayaan ogoleyn in qof laba dhalasho haysta uusan marna qaban Karin xil dowladeed, iyadoo arrintaas loo sababeynayo “sida uu qofka daacad ugu noqon karo laba waddan”.

 

Ducaale wuxuu sheegay in kuwa shirqoolaya ay arrintaas ku dhalisay ka dib markii uu diiday in “uu fududeeyo in Mwinzi loo ansixiyo xilkii safiirka ee South Korea”.

Xildhibaan Aadan Ducaale iyo madaxweyne Uhuru KenyattaLahaanshaha sawirkaADEN DUALE

Ms Mwinzi ayaa tallaabadii Baarlamaanka ku tilmaamtay mid sharci darro ah, waxayna gudbisay dacwad ay maxkamadda dhageysan doonto dhowaan.

Ducaale wuxuu ku doodayaa in dhowr qof ay soo weceen kana dalbadeen in uu “caawiyi Mwizi,” balse uu ku adkeystay “u hoggaansamidda shuruudaha uu xiray dastuurka”.

Xildhibaankan laga soo doortay Garisa, wuxuu horey u sheegay in “uu yahay Soomaali ah muwaadin Kenyan”, mar uu ka hadlayay khilaafka xuduudda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker