Jabhada ONLF Oo Ku Biirtay Isbahaysiga Balaadhan Ee Dalka Itoobiya

Hoggaanka sare ee Jabhada  ONLF ee Somali state Itoobiya  ayaa shaaciyay in ay si rasmiya ugu biireen, Isbahaysi ku dhisan Nidaamka Qowmiyadaha badan oo looga dhawaaqay dalka Ethiopia.

 

Gudoomiyaha Jabhada ONLF  Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi Maadeey, ayaa saxiixa ku duugay ku biirista Isbahaysiga oo la magac baxay Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF).

 

Isbahaysigan noocan u dhisan, oo ah kii ugu horeeyay ee ka hirgala waddanka Ethiopia, waxaa ku bahoobay, ururro badan oo aaminsan nidaamka Federaalka, Xoriyada, Sinaanta, Cadaalada iyo hirgelinta Dimuqraadiyada, waxaana Arbacadii shalay lagu as’aasay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi.

 

Ururada ku midaysan Isbahaysigan cusub, oo dhammaantood aaminsan Aayo ka tashiga dadkooda, ayaa qaarkood halgan hubaysan u soo galeen sidii ay Qowmiyadahooda uga dul qaadi lahaayeen dhibaatooyinkii ay u gaysteen dowladihii soo maray Ethiopia.

 

Isbahaysigan Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), ayaa lagu tilmaamay in uu noqon doono midka ugu balaarran ee kulmiyay ururada Qowmiyadaha ku dhisan ee Ethiopia, kuwaasi u taagan hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka iyo Dimuqraadiyada dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker