Cajiib Diyaarad rakaab oo duuliye la’aan duushay |||| Techlongyada Caalamka Iyo Maanta

Su’aasha ah goorma ayay dunida arki doontaa diyaarad rakaab oo aan duuliye lahayn waxay taagneyd muddo sannado ah, balse hadda waxaa muuqata in shirkadaha qaar ay arrintaa ku dhiiranayaan.

Inkastoo tiknoljiyadda casriga ah ay hadda ka hana qaaday dunida, haddana ma jirin caddeymo sax oo muujin kara in diyaaradaha ay duuli karaan iyadoo uusan la socon qof duuliye ah.

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Airbus ee Yurub ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradaheeda tijabaada ku jira ay duusha iyadoo uusan duuliye la’aan ah.

Diyaaradan waxay ka duushay garoon ku yaala Magaalada Toulouse-Blagnac ee dalka Faransiiska.

Shirkadda European aerospace ayaa bilihii lasoo dhaafay sameysay dhowr tijaabo oo ah diyaarado si iskood ah u duulaya, inkastoo diyaaradahaas ay la socdeen laba duuliye oo heegan ku jira haddii ay wax dhacaan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker