Madxweynaha Somaliland oo Soo Saaray Wareegto

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne oo uu ku socod siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo la xidhiidha shir ay xukuumaddu u qaban doonto Wadaagayaasha dhaqaalaha dalka, si loo yareeyo shaqo la’aanta.
Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
Ujeeddo: Daraasad iyo Qaban-qaabo Shir
Wasiir.
Sida aad la socoto, waxaan ku ballan-qaaday khudbad-sannadeedkii aan u jeediyey Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in Xukuumaddu shir u qaban doonto Wadaagayaasha Dhaqaalaha Dalka si loo yareeyo shaqo la’aanta.
Sidaa darteed, anigoo ku-kalsoon aqoonta guud ahaan aad u leedahay dhaqaalaha, gaar ahaanna dhaqaalaha dalkeenna, waxaan kaa rajaynayaa in aad xukuumad ahaan inoo hir-gelin doonto labadan qodob:
1) In aad samayso daraasad ku saabsan sidii shaqo-abuur loo samayn lahaa.
2) In aad qaban qaabiso shir ay ku kulmayaan dhammaan Wadaagayaasha Dhaqaalaha Dalku oo lagu diyaarinayo dhaqaalihii lagu yarayn lahaa shaqo la’aanta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker