Xooghayaha Guud ee Waddani oo Gurigiisa lasoo dhigay Tayiro La Gubay

Xooghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa qoraal uu Soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Taayiro Gubtay la soo dhigay Albaabka Gurigiisa Waxanu u dhignaa Qoraalkisu Sidan:-

Sida Sawirrada hoose ka muuqata, waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka deggenahay kadinkiisa lagu gubay Taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka.

Bilayska ayaan ku wargeliyey kiiskan, sidaas awgeed waxa aan fursad siinayaa baadhistooda, waxa aanan ka warsugayaa talaabada ay ka qaadi doonaan. Waxa se muhiim ah in aan xuso in xukuumadda uu waajib ka saaranyahay sugidda ammaanka muwaadin kasta oo ay ka mid yihiin madaxda xisbiyada mucaaradku, iyada ayaana looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso sababta ay u dhici karaan foolxumooyin noocan ahi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker