Dawlada Federaalka Somalia oo sheegtay inay Daynta lagu Lee yahay Culays Badan ku Hayso

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay dan ugu jirto in deymaha laga cafiyo.

“Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxay uga dhigan tahay in dalka deyn lagu leeyahay oo uu Qaameysan yahay, waxaana ka xidhan maalgashiga, Shirakadaha caalamka ee doonaya in ay Soomaaliya malagashadaan ma imaan karaan waddanka”, ayuu yidhi safiirka ka mida Safiirada Somalia. U fadhiya Debeda.

 

“Waxaa kale oo inaga xidhan Macaawinooyin aan heli karno oo aan xaq u yeelan karno, kuwaas oo gaadhaya Boqollaal milyan oo dollar, balse aan heli karno mark deynta la cafiyo”, ayuu hadalka duray.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in haddii Soomaaliya laga cafiyo deymahan gaadhaya $4.6 bilyan oo dollar, ay xaq u yeelaneyso in ay lacago kale soo deynsato.

 

Dawladda Soomaaliya waxay horey uga codsatay deyn bixiyeyaasha inay ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin si ay ugu suurto gasho inay hesho dhaqaale ay kula dagaalantpo kooxaha ka hor jeeda.

 

Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo horraantii Sannadkan u warramayey wargays reer galbeed ah ayaa sheegay in miisaaniyadda xukuumadiisa aysan ku filnayn inay ku abuuraan barnaamijyada Arrimaha bulshada  ah ee aadka loogu baahan yahay si looga hor tago duufsiga dhallinyarada baagamuundada ah, ama lagu fuliyo adeegyada aasaasiga ah.

 

“Teennu waa miisaaniyad yar oo loogu tala galay dal ay ku nool yihiin 10 malyan oo qof. In argagixiso lala diriro waxay u baahan tahay dawlad wanaag, taas micnaheeduna waa in dadka loo qabto adeegyo, taasina lacag ayey u baahan tahay, waana sababtaas midda Na Hortaagani. ayuu yidhi RW khyare

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker