Maxaa laga Fili karaa Qudbada Berri ee Madaxweyne Biixi La Filayo Inuu Labada Gole ka Horjeediyo

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Labada Gole Uga Waramo Kulankii Uu  Addis Ababa Kula Yeeshay Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada] uga waramo kulankii uu la yeeshay
Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa.

 

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu toddobaadkan khudbada distooriga ah  ee labada gole u jeediyo baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu labada gole  iyo shacabka uga waramo natiijada kulankii uu Addis Ababa kula yeeshay   Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

 

Kulankaas oo ay shacabku su’aalo badan iska weydiinayaan ayaa waxa ay  shacabku madaxweyne Biixi ka sugayaan inuu si mug leh uga waramo, sidoo   kalena uu ka jawaabo dhawaaqii uu Madaxweynaha Soomaaliya kulankaas ka  dib ku sheegay inuu cudur daar ka bixinayo xasuuqii shacabka Somaliland ay
u gaysatay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

 

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo la sugayaa inuu khudbadiisan kaga  hadlo qaddiyaga guddiga doorashooyinka oo xiisad siyaasadeed dalka ka
buurtay, islamarkaana ay ka baxeen labadii xubnood ee mucaaradka u metelayay.

 

Madaxweyne Biixi ayaa laga yaabaa inuu sidoo kale khudbadiisan kaga hadlo waxyaabihii ay xukuumadiisu qabatay.
Xisbiyada mucaaradka ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu shacabka u soo bandhigo midhaha ka soo baxay kulankaas uu Farmaajo la yeeshay iyo
qodobadii ay ka wada hadleen.

 

By Suxufi Sinyoore Hargaysa Oodwaynemedia Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker