Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray Madxafka Qaranka+ SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay dhismaha cusub ee loo bineeyey madxafka Qaranka oo dhismihiisu gunaanad ku dhaw yahay.
May be an image of 2 people and wedding
Madaxweynaha waxa halkaa ku qaabilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada, mudane Maxamed Cali Bile oo madxafka dhismihiisa loo xilsaaray, waxana uu madaxweynaha uga warbixiyey heerka dhismaha madxafku marayo iyo qaybaha uu ka kooban yahay.
Madaxweynaha ayaa booqday dhammaanba qaybaha kala duwan ee madxafku ka kooban yahay oo haatan heer gebogebo ah maraya, dhawaana xadhiga laga jari doono.
May be an image of 6 people
Sidoo kale Madaxweynaha qaranka ayaa agaasimaha uga mahadnaqay dedaalka uu geliyey sidii fhismaha madxafka qaranku u hirgeli lahaa, una noqon lahaa dhaxal taariikhda gala.
Waxaana Madaxweynaha kormeerka ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Taliyeyaal, Maayarka Caasimada, Gudoomiyaha Gobolka iyo siyaasiyiin kale.
May be an image of 7 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 people

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker