Nin lagu amray inuu bixiyo 5 milyan oo doolar oo uu sharad ku galay

Aasaasihii shirkadda gogosha aqalka ee Maraykanka ee My Pillow ayaa lagu amray in uu siiyo $5 milyan oo doolar khabiirka caddeeyey in xogtiisa doorashada madaxtinimada ee 2020 ay khalad ahayd.

Mike Lindell oo ayaa aad u hubay kalsooni bandanna miijyey inuu hayo xog muujinaysa faragelinta Shiinaha ee codbixinta 2020 kii ka dhacday dalka Maraykanka oo uu dadka kale u tuuray.

Sannadkii 2021-kii waxa uu bilaabay ol’olaha “car Mike been ku caddee” taas oo uu abaal marin uga dhigay qofka caddeeyay inay xogtiisu been tahay lacag dhan $5 milyan oo doolar.

Arbacadii, ayey guddi dhexdhexaadin gaar ah go’aamiyeen uu in khabiir Kombuyuutarka ah uu sidaas sameeyay oo uu lacagta sidaas ugu xaq yeeshay.

Xujada tartanka ayaa lagu dhawaaqay iyada oo qayb ka ah waxa loogu yeero dood-cilmiyeedka internetka ee Mr Lindell uu ka abaabulay gobolka koonfurta Dakota ee dalkaasi.

Waxa uu ku andacooday in faragelinta Shiinaha ee qaar ka mid ah gobollada Mareykanka ay keentay in madaxweyne Joe Biden uu ka guuleysto Donald Trump.

Waxa uu u soo bandhigay lacagtan todobada god ah in uu siinayo cid kasta oo caddayn karta in xogtiisu aanay xidhiidh la lahayn doorashadii 2020-ka.

Guddigu waxay ku amreen Mr Lindell inuu lacagta siiyo Bob Zeidman waxayna ku qoreen xukunkooda in xogta uu bixiyey Mr Lindell waxa xiriir ah la lahayn doorashadii 2020.

Waxa ay sidoo kale go’aamiyeen in haddii aan la bixin lacagtaas ay noqon doonto heshiis qandaraas oo la jabiyey sidiis.

Wareysi uu siiyay laanta Mareykanka ee BBC ee CBS, Mr Zeidman waxa uu sheegay in uu saacado kooban baaray xogta uu bixiyay Mr Lindell ka hor inta uusan go’aamin in ay “dhammaanteed been abuur tahay”.

“Waxaan wacay xaaskeyga oo aan ku idhi, ‘ka fikir waxaad rabto inaad ku sameyso $5m’,” ayuu dib u xasuustay.

Mr Zeidman, oo degan Las Vegas oo laba jeer u codeeyay Mr Trump, ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah xogta Mr Lindell ay ahayd “xog fudud oo lagu qoray [word document] ” oo loo sameeyay “inay u ekaato mid casri ah, mana ahayn”.

Kadib markii uu natiijadiisa u gudbiyay guddi kor joogteynayey xujada, Mr Zeidman waxa uu sheegay in aanu wax jawaab ah ka helin, taas oo keentay in uu ku dacweeyo Mr Lindell lacagta.

Wuxuu u sheegay CBS in haddii uu waligiis helo lacagta uu qayb ka mid ah ugu deeqi doono hay’ad samafal oo taageerta daacadnimada codbixiyayaasha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker