Xaafad ay ku badan yihiin Soomalida Ee Magaalada Minneapolis Uu Fara Ba’an ku Hayo Coronavirus

Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in xaafadda Cedar-Riverside ee ay sida weyn u degaan Soomaalida uu fara ba’an ku hayo Fayraska Korona.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in boqolkiiba 6 kiisaska magaaladaasi laga helay xaafaddaasi, gaar ahaan dadka ku nool dhismayaasha dhaadheer.

Maxamuud Axmed Nuur waa wakiilka Baarlamaanka Minnesota ku metala deegaanka 60B, ayaa  sheegay in feyriska Corona uu saameyn ba’an uu ku yeeshay xaafadda uu matalo.

” Cudurka loo yaqaano Corona Feyris saameyn weyn buu ku yeeshay xaafadda aan matalo, dad badan isbataalada ayay ku jiraan, ” ayuu yidhi Mr Nuur.

Maxamuud Axmed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu cudurka ugu faafay xaafada Cedar-Riverside ay tahay dadka oo dagan guriyo hal goob ka dhisan islamarkana ay dadka si sahlan isugu gudbin karaan.

” Dadka xaafadda dagan badankood ma aha kuwa dagan guriyo gaar ah, waa guriyaha loo yaqaano Apartment oo dad badan ay wada dagan yihiin ay wada isticmaalayaan hal Wiish, meelaha dharka lagu dhaqdo waa hal meel ” ayuu yidhi Mr Nuur.

 

Maxamuud Axmed Nuur waa wakiilka baarlamaanka Minnesota ku metala deegaanka 60B ayaa dhanka kale sheegay in walaaca ay imika qabaan uu yahay xayiraadaha dhawaan la qorshaynayo in la qaado.

Waxaa uu intaa ku daray in marka xayiraadaha la qaado dib loo furayo Misaajidada iyo goobaha kale ee ay bulshada isugu yimaadaan islamarkana ay taasi ka dhalan karto in uu cudurka sii faafo.

” Waa tii Bandow gobolkaan ka jiray Misaajidada la soo xiray goobaha laga shaqeeyo la soo xiray mar dhaw dib ayay u furmayaan taasi oo walwal nagu haysa, ” ayuu yidhi Mr Nuur.

Maxamuud Axmed Nuur ayaa dhanka kale sheegay in wadaan dadaalo wacyigalin ah si looga hortago faafidda feyriska Corona.

Waxaa uu intaa ku daray in waaxda caafimaadka gobolka ay ka codadeen in ay la wadaagaan tirada dadka Soomaalida ah ee uu feyriska Corona ku dhacay.

” Waxaan ka codsanay waaxda caafimaadka inay na siiyaan si toos ah tirada Soomaalida ee u cudurka ku dhacay, ” ayuu yidhi.

Gobolka Minnesota ayaa ah gobolka Soomaalida ugu badan ay kaga nool yihiin dalka Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker