Dawlada Itoobiya oo shaacisey inaaney TLPF iskeed uga bixin Gobolada Amxaarada & canfarta

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Redwan Xuseen ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aany  daneyneynin in ay gobolka Tigray ka bilowdo howlgal si ay u baacsadaan kooxda TPLF .
Mr Redwan oo sharaxaad ka bixinayay xaalada Itoobiya ka jirta ayaa u sheegay safiirada fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa in ciidamada TPLF aysan si nabad ah uga bixin goobihii ay haysteen balse ay jab wayn la kulmeen.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in aanay doonayn in ay hawlgal millatari oo ballaaran ka sameeyaan magaalooyiinka gobolka Tigrey.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay gudan doonto waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka, isla markaana ay xaq u leedahay in ciidamo federaal ah la geeyo dhammaan gobollada dalka oo uu ku jiro gobolka Tigrey.

Danjire Redwan oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay dublamaasiyiinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay baaqii todobaadkii hore ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ahaa in la dhiso hay’ad dhanka xuquuqda aadanaha.
Danjire Redwan oo sharaxayay sida ay uga soo horjeedaan baaritaanka hordhaca ah ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu uga soo horjeedo go’aankaas, isagoo yidhi “wax la aqbali karo ma aha, Itoobiyana wax wada shaqayn ah lama yeelan doonto kooxdaas”.
Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Itoobiya oo sharaxaad ka bixiyay xaalada bini’aadantinimo ee ka jirta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dawladu ay ku dadaalayso sidii ay gobolka Tigray u gaadhsiin lahaayeen mucaawino, balse diidmada TPLF ay arrintan xagal daacinayso.

“Markii ay dawladdu ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii June ee sannadkii hore, kooxda TPLF ayaa ku guul-darraysatay inay qaado tillaabo la mid ah, taasoo keentay dhibaatooyin hor leh,” ayuu yidhi Ambassador Redwan.
Wuxuu intaa ku daray in arintani ay caro wayn ka dhex abuurtay bulshooyinka islamarkana ay TPLF bilaabeen in ay ku soo duulaan gubolada kale ee dalka.
Waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay ka aamusnaanta beesha caalamka ee afduubka kooxda TPLF ay afduubteen in ka badan 1,010 baabuur oo siday gargaar, kuwaas oo uu sheegay in ay saamayn wayn ku leeyihiin gar-gaarka oo aan la dhayalsan karin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in boqolaal kun oo qof ay ku barakaceen dagaalka ka socda dalak Itoobiya.
Xoogaga TPLF ayaa laga saaray gobolada Canfarta iyo Amxaarada oo ay dhankooda sheegeen in ay iyaga isaga baxeen.
Warqad ay toddobaadki hore u qoreen TPLF Qaramada Midoobey ayaa waxay ku baaqeen in xabad joojin la sameeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker