Daawo: Maxaa Kala qabsaday Cali Guray, C/rashiid Riyo-Raac & Boqor Buurmadow?
Siyaasiga Cali-gurey oo ka tirsan xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa eedo u jeediyay gudoomiyaha cusub ee loo doortay komishanka lagu muransanyahay ee doorashada.
Caligurey waxa uu sheegay in Cabdirashiid Riyo-raac uu yahay miino loo dhigay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxa uu intaa ku daray in aanay marnaba suurtagal ahayn in komishan uu madax ka yahay Riyo-raac uu qabto doorashada.