Aw Cismaan, In Yar Baa Isoo Gashoo Turkigaa La Ii Hayaa!!! Qaybta 1aad:

Qaybta 1aad:
Run ahaantii bulshada ku dhaqan dalka Somaliland ayaa u kala baxday laba qaybood oo ay haatan tiradeedu isu dhawaatay .
Qurbojoogta qoysaskoodu yaalaan debedaha kala ah ; Europe (none-Turkey) America , Asia (Non Arab/ China), Arabia, Africa, Turki iyo China.
Qaybtt labaad oo ah Qolqoljoog .
Hadaba dulucda mawduucaygu waa Qurbojoogta, kuwaas oo dib ugu soo laabanaya dalka , iyaga oo buuxiyay fursadihii ay lahaayeen qolqoljoogtu :
Fursadihii Shaqo
Fursadihii Siyaasadeed
Fursadihii ganacsi/Maalgashi
Fursadahii waxbarasho
Arrinkaasi dhibwayn oo aan la dhaadayn ayuu ku soo kordhiyay dalka. Waayo Somaliland ma yaalo Suuq qaadi kara labadaa qaybood. HARAG SAKAARO IIGA KAC MOOYEE IGA DURUG MA LAHA.
Maaha in qurbo joogu u soo shaqo tago bartii uu ka tagay 20sano, 30sano ama 40sano ka hor . Isagoo faramadhan ee waxa ay ahayd halkuu baasaaboorkeeda qaatay in uu wax ka noqdo . May ahayn in uu culays ku soo kordhiyo dalka. Dawlada Somaliland may samayn ISTIRAATIIJIYAD lagu kala jihaynayo Isduqaynta Qurbojoogta Iyo Qolqoljoogta. Wakaalada Qurbojoogta ayaa ka gaabisay in ay iftiimiso mushkiladan ama ay ka garawdo , waxaanay ammaan xaddhaaf ah kula dulkuftaa Qurbjoogta.

 

 

Qalinkii: Saleebaan Cumar Macalin Gahayr (Maxamed)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker