Ma Dhabaa Ina Cabdulle Xasan waa Gabyi Jiray?. Q.3aad.

Waxa jirta weedho asalkoodu ku qoranyiin buuga Aw Jaamac Cumar Ciise waagii danbe na siyaasitiinta Soomaaliyeed sida Cumar Carte Qaalib lagu dacaayadeen jiray inu yidhi Nebi Maxamed ayuu Maxamed Siyaad Bare 3 ka shaabahaa , arintaasi waa dacaayad ee asalkood weedhahaas  kooxdaas taariikhda ina Cabdulle Xasan buubuunisa ayaa waxay yidhaahdeen ”Sayid Maxamad saddex meelood ayuu Nebi Maxamed kala mid ahaa: Magaca, da’da iyo jahaadka[1], ayaa la moodaa inay taasna u raaciyeen ” gabayadu waa ku soo dageen ama waa lagu soo dagay”. Siciid Samatar oo ogsoon in arintaas ”waa lagu soo dagay” wax suurta gal ah ahayn ayaa wuxu u maaraynayaa arinkaas sidatan”.

 

“ Marka suaashaas goobta timaado , waxay ku doodaan raga dagaankaas u dhashay , inaanu ( ina Cabdulle Xasan) gabay huladin ka hor xiligaas ( 1904) , ayagoo markaas si maldahan u sheegaya inu mar kaliya uun ninkani hibadu ku soo dagtay isagoon dhaqan hore iyo hawl na u galinba ( gabayga). Aragtidaas in kastoo ah in la tix galiyo , misena waa in si taxdur leh iyo shaki leh lagu waajihaa. Inakoo og dhibaatada iyo hawl karnimada u baahnyay gabaygu, nina gabayaa maanso-ruug ah kuma noqodo maalin galinkeed”.[2]

 

Siciid Samatar buugiisa (dissertation) u ku qaatay shahaadada Ph.d  wuxu ku sheegayaa inaanu Wadaadki waayaday dagaaladu socodeen gabaygada curin jirin se ay rag kale afhayeeno gabay u ahaayeen oo ayagu gabayada marin jireen. Wuxu odhanayaa mar:

 

“ Xiliyadaas , Saydiku dagaalka af-eed nin ka qeyb qaatay ma ahayn. Rag kale oo Khusuusida ka mid ahaa sida Afqarshae iyo Ismaaciil Mire labadaas oo gabayaa ahaa ayaa gabayada ku matali jiray ama u gabayi jiray , oo la odhan karo waxay u noqdeen wasaiirada “ borobagaandada”[3]

 

Gabaygii ugu horeeyey ee Daraawiishi soo tiriyaan,siday sheegaan wuxu ahaa 1900kii dagaalkii Jigjiga ka dib oo dhacay bishii 3xaad 1900kii. Isagoo arintaas ka hadlaya Siciid Samatar wuxu  odhanayaa:

 

“ Gabay gii ugu horeeyay ee siyaasadeed ee halganka Daraawiishta waxa la tiriyay 1900kii , ka dib wareerakii xarunta ciidanka Xabashida ee Jigjiga. Gabaygaas daraawiishi may tirin ee waxa u soo tiryay cadawgoodii. Marki gabayaagii Isaaq Cali Jaamac Haabiil ogaaday guuldardii Jigjiga , wuxu tiryay gabaygiisii “ Maxamed Waal” isagoo markaas isagoo sumadaas (waal) ku hir galiyay gabaygiisa”.[4]

 

Cali Jaamac Haabiil gabaygiisa  “ Maxamed Waal “ dhowr tuduc oo qaafiyadoodu liidato oo deelqaaf badani ku jiro waxa buugiisa in yar ku soo qaatay Enrico Cerulli[5] , intaa yare e qoran waxa ka mid ah afrlaydan oo Cali Jaamac Haabiil Wadaadka ku leeyay adaa arimahaas waalida ah uunka ugu balan qaaday, wuxu odhanyaa:

 

Badda ma anigaa masallaa ku mari sida maraakiibta

Muslina baan walaalaynayaa intaan meel isugu keeno

Midigta sarkaalkaan la tagi Malaw intaan fuulo.

Waanaan idin muhiibsiinayaa maalka Habar Yoonis.

 

Gabaydaas uu soo mariyay Cali Jaamac Haabiil waxa ka jawaabay gabayaa kale , wuxu odhanayaa Siciid Samatar:

 

“ Waxa la yaab ah jawaabtii gabaygaas lagu difaacayay Daraawiish ta dhankooda kama iman ee waxay ka timi jawaabtu dibada , nin la odhan jiray Xaaji Axmed Samatar , oo Majeerteen ah oo reer Cadmeed ahaa xiligaas. Wuxu jawaabtiisa gabay ku soo tiriyay qaab fariimeed”.[6]

“Inakstoo gabayga Xaaji Axmed Samatar jawaab waafi ah u ahayn kii Cali Jaamac , ayadoo taasi jirto Saytid ku aad ayuu ugu riyaaqay jawaabtii Axmed Samatar ku difaacayay daraawiishta, waxana la sheegay in 150 halaad u siiyay gabayaaga iyo walaalkiiba”[7]

 

“ Guyaashii danbe 1901-1903 , daraawiish sedex duulaan ayay isku heleen Ingiriis ka , labada duulaan ee ugu danbeeyey waxa Ingiriiska la socoday Talyaaniga iyo Xabashida . Xiligaas Sayidk ku waxba kuma darsan loolanka dagaalka afka ah . Rag kale oo khusuusida ka mid ah , Af Qarshe H. Ismaaciil iyo muqadim Ismaaciil Mire labadooda oo gabayaa ahaa ayaa u ahaa afhayeeno ama wasiirada borobagaandada.[8]

 

Taas waxa ka sii muhimsan wuxu qirayaa Siciid Samatar in gabayada ku haboon inu Wadaadku tiriyo ragaas u soo sheegay iyo rag kale ba tirin jireen. Tusaale ahaan gabayada arimihiisa qoys ama ku saabsan dumarkii faraa badnaa ee u dhaxay Wadaadka in rag kale gabay afkiisa ah arimahaas ku tiriyaan . Waxa ka mid ahaa arintaas danbe tusaalahan u Siciid Samatar buugiisa ku sheegayo:

 

“ Duulaankii labaad October 1902, tusaale , Daraawiishtu guul weyn bay dhaliyeen markay jabiyeen ciidankii Ingiriiska u anaamduule u ahaa Korneel Swayne, markay ku gaadeen dooxada Eerago ee Hawd ka oo 70 kiiloomitir u jirta Gaalkacyo. Sayidku isagoo xiligaas adeegsanaya guushaas wuxu u isticmaalayay inu la xidido suldaan Cismaan Maxamuud ka Majeerteen , oo daraawiishti hubka uga soo dagi jireen xeebtiisa.  Arintaas awgeed ayuu Sayidku suldaan Cismaan waydiistay gabadhiisa Qaali Cismaan. Inkastoo 227 halaad yarad ahaan kaga helay Sayid ka , suldaan Cismaan wuu ka cago jiiday guurkaas. Taas badalkeedii wuxu suldaanku Daraawiihsta u soo raray 40 awr oo rasaas iyo qoryo saaranyiin. Sayidku ergaii suldaanka gacamo furan ayuu ku soo dhaweeyay hadyado ayaanu u loogay. Markay gaadhay xiligii noqoshadooda ayaa wuxu amar ku siiyay gabayaaga goob jooga ahaa , Afqarshe iyo Ismaaciil inay gabay u mariyo Majeerteenka , guushii daraawiishta tilmaamaya iyo xidhiidhkoodan cusub.”[9]

 

Halkaas ayuu gabay ka marinayaa ninkaa la odhan jiray Afqarshe “guushoodana “ ka tilmaamayaa , Isaaq na ku durayaa oo waayadaas hore 1900-1902 dagaaladii Afbakayle , Fardhidin iyo Beerdhiga ama Eerago ciidanka sooc u ahaa, boqor Cismaan na amaanayaa isagoo tilmaamayaa inay dhawaan xididi doonaan oo Wadaadku guursan ama soo dooni doono Qaali Boqor Cusmaan.[10]

 

“ Marka suaashaas goobta timaado , waxay ku doodaan raga dagaankaas u dhashay , inaanu ( ina Cabdulle Xasan) gabay huladin ka hor xiligaas ( 1904) , ayagoo markaas si maldahan u sheegaya inu mar kaliya uun ninkani hibadu ku soo dagtay isagoon dhaqan hore iyo hawl na u galinba ( gabayga). Aragtidaas in kastoo ah in la tix galiyo , misena waa in si taxdur leh iyo shaki leh lagu waajihaa. Inakoo og dhibaatada iyo hawl karnimada u baahnyay gabaygu, nina gabayaa maanso-ruug ah kuma noqodo maalin galinkeed”.[11]

 

Sidaas ayay kooxdaas u sheegaan sida mucjisada ah ee ina Cabdulle Xasan gabay ku bilaabay , ayagoo aan dafrsanayiin inu Wadaadku markii hore rag afhayeen u ah gabayaga u marin jireen oo lagu xoolayn jiray. Wuxu Siciid Samatar ku soo gabaybagaynayaa arimahaas hore oo dhan sidan , isagoo xoogaa caadifad reernimo jiidatay oo maansada Soomaali ba gebi ahaanba reerkiisa la jeclaystay ayaa wuxu odhanayaa:

 

 “ Inkastoo raga Soomaaliyeed ee gabayada lafaguraa mar kaste gabayga Sayidka jeclaysan jireen hab-u-dhiicsa iyo awoodiisa dareeen-galin, sidaas awgeedna waxay u qireen in hal-abuurnimadiisu ay hido raac tahay. Ogaadeenku waxa loo aqoonsanyay afkooda Soomaaliga ah oo asal ah iyo ayagoo u badasada gabayaaga u dhashay, sida Raage Ugaas , Qamaan Bulxan iyo Feetin Mxamaed. Maadaam u ka wada dhashay hooyo Dhulbahnate iyo aabo Ogaadeen wax la yaab ah noqon mayso in gabayhannimada Saydiku noqodo gabay buuxa oo isu dheelo tirin ama kaamil ah” [12]

 

Intaynaan dhex galin maansada ay nimankaas qorayaasha ah kaydiyeen 1900-1918kii. Waxa laga maarmaan ah in gabayaagii Daraawiishta ay isku waayo ahaayeen ee maansadu dhex martay in la kala sheego siday u kala horeeyeen iyo jiilba jiilku ahaa. Waxa jira sheekooyin lagu celceliyo laga bilaabo 1970adii oo war baahinta mid cilmi , iyo mid cod iyo mid qoraal ba lagu sheegi jiray oo manta dadka Soomaaliyeed ay ka dhaadhaceen arimahaasi lagu celcelin jiray ee dhagoohadaa laga badiyay.

 

Waxa ka mid ah Cali Jaamac Haabiil siday u sheegaan taariikhdiisa. Siciid Samatar oo kale wuxu Cali Jaamac Haabiil ka dhigay nin d’a yaraan ku dhintay isagoo u jeedadiisu tahay inu ahaa nin ina Cabdulle Xasan ku ka weynaa. Isagoo ujeedadiisu tahay in waayeelnimada gabayga u siiyo ina Cabdulle Xasan.  Wuxu odhanyaa:

 

 “ Cali Jaamac Haabiil, gabayaa can ah afhayeena u ahaa Habar Awal , heybtu ka sii yahay Isaaq , reerkaas/dadkiisa oo had iyo jeer ka soo horjeeday Daraawiisnimada, sidaas ayuu ahaa ilaa dhimashadiisii dhowr sanadood ka hor intaanay Daraawiishtu jabin”.[13]

 

Kooxda kale sida Aw Jaamac Cumar Ciise iyo Idaajaa ayaguna Salaan Carrabay oo d’a ahaan ka weynaa kana maanso horeeyay waxay barbar dhigaan jiilka Cali Dhuux iyo Ismaaciil Mire oo dhalashadiisa lagu qiyaasay 1878 kii[14], halku Idaajaa la jeclaaday inu dhashay 1862kii. Ina Cabdulle Xasan na waxay ka dhigaan nin d’a ahaan ka wada weynaa ragaas oo dhan oo dhalashadiisa ku meeleeyeen 1856, ayagoo 22 sanadood d’adiisa ku daray ama dhalashadiisa. Ismaaciil Mire oo isna dhalashadiisa lagu raggi xoog ogaal u ahaa sida abaanduuli Hasting Ismay ( Camel Corps 1914-1920 )sheegay inu Ismaaciil Mire marku Daraawiish badan oo soo baxsaday waraystay dhalashadiisa qiyaas ahayd 1878. Halkay ka ahayd 12 g’u ee lagu daray d’ada ina cabdulle Xasan in loo fudadeedeeyo waaynilamada gabayga , Ismaaciil Mire na waxay ka ahayd in dagaaladii hore oo dhan (1901-1904) oo aanu shaqo ku lahayn la soo gaadhsiiyo , abaanduule na laga dhigo , sidaas awgeed ayaa dhalashadiisa dib loogu riixay lix iyo toban g’u.

 

Maansada Ismaaciil Mire kamay horayn Xaaraama-Cune, inkstoo Siciid Samatar iyo Idaajaa ay ku doodaan in Ismaaciil isagoo 20 jir ahaa gabayga bilaabay hadana gabaygiisiia diiwaanku qoray Idaajaa waxa ugu fog gabayo u tiriyay guyaashaas Xaaraame Cume 1910-1913.  Axmed Faarax Idaajaa diiwaanka u ka qoray gabayada Ismaaciil Mire afarley u isagu leeyay waxa tiriyay Ismaaciil Mire oo wuxu jawaab u ahaa gabay u tiriyay Ducaale Fagaase mooyaane gabayada kale oo idil waa wixii ka danbeeyay sanadiii Xaaraame Cune. Gabayga u leeyay Ducaale Faagaase ayaa u tiriyay Daraawiishta laftiisu wuxu ku beegnaa sanadihii Xaarmee Cune ee shaqo kuma lahayn 1904tii sidu Idaajaa ku sheegay.

 

Waxa kale oo arintaas burinaysa, hadii u Ismaaciil Mire sanadahaas Daraawiish ka dhex gabyay maxaa loo waayay diiwaankiisa u ururiyey Idaajaa gabayo 1904 ilaa 1913 u dhexyaay oo  tiriyay Ismaaciil Mire, ma mudo 11 sanadood ah ayuu gabayga ka qataanaa isagoo Daraawiish dhex jooga oo gabayaa ahaa?. Wax suurtal gal ah ma aha. Cali Dhuux isna maasnsadiisa waxa ugu fog gabaygu ka mariyay silsiladii Halac-Dheere oo ku beegnayd 1908 hadaanay kaba danbayn, gabayadu u tiriyay Daraawiishna waxay xiliyadoodu ahaayeen Xaaraame Cune wixii ka danbeeyay 1912.

Gabayaagi Salaan Carrabay maansadiisa ugu fog ee qoran ee la hayo waxay ku beegantay horaantii 1890dii[1], waxa la odhan karaa waxay isku jiil ahaayeen Qawdhan Ducaale Guuleed[2] iyo Ismaaciil Xayd Aflow oo ayaguna maansadoodu xiliyaadaas ahayd. Qawdhan Ducaale waxa gabayadiisa ugu d’a weyn gabay u tiriyay 1880dii markii faraskii seedigii Suldaan Xirsi Amaan duulaan Ciise Muuse lagaga reebtay:

 

Allahayow Bullay-Sane sideen, ugu basiiroobay
Sideebaan colkii Badhe-Tare, iyo Baahane u eeday
Bullaale iyo hadduu geel ku tago, uma baroorteene
Baraar iyo idaa lagula hadhay badhax la moodkiiye.

 

Cali Jaamac Haabiil waa d’adii ka horaysay Salaan Carrabay. Cali Jaamac Haabiil wuxu la jiil ahaa Nuur Dhegacun, Cabdi Fadal, Faarax Nuur iyo Maxamed Bulxan Cawar. Wuxu ka mid ahaa maansooyahankii maansada bilaabay 1870dii. Cali Jamaac Haabiil inkastoo maansadiisii luntay oo la kaydin hasayeeshee inta yar ee la hayo waxa ka mid ah gabay u mariyay markii dalka Ingiriisku yimi oo Caaqil Maxamed Sharmaarke Cali Saalax (1820-1898) oo Berbera maamulayey 1854-1861[3].  Ka dib marku aabihii Sharmaarke Cali Saalax Farnasiis ku ka qaadeen maamuulkii Zeila, ayaa mar labaad isku dayay Maxamed inu maamulka Berbera qabsado, xiligaas wuxu ku beegnaa marku Ingiriisku marsada Berbera soo dagay ama markii labada maamuul kii Masaarida iyo kii Ingiriisku dekada la kala wareegayeen oo ku beegnayd 1884-1885.[4]

Arin ugub ah maaha in gabayaaga qaar mudo dheer maansadoodu socotay cimiri dharar awgeed, waxa jira gabayaa mudo 50 sanadood iyo dheeraad maansaduudu taxanayd, waxa ka mid aha gabayaagaas Sallan Carrabay oo maansadiisu ugu yaraan bilaabmatay 1890dii socotayna ilaa marku geeryooday oo ahayd dagaalkii aduunka ee Labaad, waxa isna la mid Qawdhan Ducaale oo isna isku xili u dhaw geeryooday. Gabayaagi danbe waxa tusaale fiican ah maansoyahankii Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasin” oo suugaantiisu taxanayd 40 sanadood. Sidaas oo kale ayuu Cali Jaamac Haabiil maansadiisu u taxanayd xili dheer oo ka horeeyay Daraawiishta soona gaadhay guyaashii hore ee Daraawiishtu kaceen.

Gabayadaas loo tiriyay Maxamed Sharmaarke waxa laga hayaa gabay Cali Jaamac Haabiil iyo Maxamed Bulxan Cawar tiriyeen 1880dii, Cali Jaamac wuxu ku gabayay.

Xalay meel an jiifsaday halkay, Maayaddu i geysey
Alla muusannaw iyo tirtire maad maxaan ku arkay.
Wax magaaladdii laga warramay, waydinnaan maqalle
Maantaan dhashee Maydaloow, lay mashxaradaayey
Haweenkuna waxay moodayeen, maahir soo kacaye
Magacay be’ marinkii wax furay dar anan moodayne.

Marsadaa Berbera maalintuu, Malagu soo jeexay
Midigtii Subeer buu ku dhacay, malabki doocaane
Mataan adan lahayn lama qotoo, rag isku maandhaafye
Kolka maaxdu kuu baylahdaa ,maalin la cabbaaye
Ogoobey maddada kii jabshaa, midigta kaa yaalle
Waxaad mooya qooqaaratiyo, male-ba waa beene
Waxad mooddey mawdbaa sokada kaaga soo maraye.

Gaalada Miskoo iyo haddii, Minilig lay keeno
Ingiriis madaafiic hadduu, nagu milaaleeyo
Awal aan la marin Saaxil oon, meesha laga waayin
Nin madoobi xeebtii hadduu, maro ka soo qaato
Abtirsiimaday muran gashiyo manidi Haabiile.

 

Haduu kaasi gabay ugu fogaa ahaa, geeraarna waxa ku xigay mid u faraskiisia kaga hadlayo, waxa geerarkaas qoray Dr. Schleichers 1894kii[5] . Arimahaasi marka laysku wada daro Cali Jaamac Haabiil guyaal badan ayuu ka weynaa ina Cabdulle Xasan, haday magaalo iyo miyi noqtana Cali Jaamac ayaa labadooda miyiga u dhashay kuna barbaaray kuna gaboobay, halka nolosha ina Cabdulle Xasan u badnayd reer magaalonimooo mudo dheer u ku koray Berbera quraankana ku bartay, kuna guursaday.

 

 

Nin Dhulbahnate ayaa toban wiil lahaa , iyo laba gabdhood , wiil iyo gabadh waa isku bah , sagaal wiil iyo gabadh na waa isku bah.

 

Sagaalkii wiil iyo walaashod waxa guursaday nin Ogaadeen ah Ba-Celi qolo la yidhaahdo.

Ninki kale ay gabadha isku bah ahaayeen , ayaa walaashii waxa guursaday nin Ogaadeen Garaadkaa.

 

Labadii gabadhood mid waliba will ayey dhashay. Markaasaa tii sagaalka wiil la ba ahayd wiilkay dhashay ayay caano siisay, markaasaa tii wiilka kaliya la bah ahayd wiilkeedii wiilki kale caanaha dhamayay arkay.

 

Markaas tii sagaalka wiil la bah ahayd caanihii wiilkeeda dhamayay, hambadiisii ayay wiilkii kale siisay.

 

Markaas tii wiilka la bah ahayd ( magaciisana Caamir la yidhaahdo) aragtay wiilkeedii oo hambadii dhamaya, hadhuubkii intay ka qabtay ayey dhulka ku dhufatay. Waxay tidhi walaasheed ‚ Maxaad caanaha wiilkaagu dhamayay hambadiisii wiilkayga u siisay?

 

Tii kale ayaa tidhi „ hadaan siiyo waayo? Maxay leedahay?

 

Markasaa Caamir walaashii tidhi „ wiilkayga wiilkaaga ma sina! ( sida maxay).

 

Markaas tii kale cadhootay , walaalaheed u tagtay , waxay ku tidhi , Caamir walaashii ayaa wiilkaygii cayday , waxay tidhi wiilkayga iyo wiilkaagu ma sina!

 

Markaasa sagaalkii walaal ahayd tashadeen , waxay yidhaahdeen Caamir sodogiisa aynu dilno.

 

Markaas gurigii sodogiisa oo iska hurday  loo tagay. Sagaalkii nin yidhaahdeen , sedex ninkii Caamir sodogiisa ha disho , lixna Caamir ha qabto.

 

 

Markaasa sedexdii nin ninki Caamir sodogiisa ahaa waran ku dhufteen oo dileen. Markay dileen ayaa Caamir walaashi oo ninkeeda la dilay barooratay. Markaasu Caamir oo hurda oo waxba ogayn baroortii maqlay. Markaasuu soo booday oo hubkiisa u kacay, marku aqalkii ka soo baxay , ayaa lixdii nin ee kale qabatay , markaasay xidhig lagu xidhay.[6]

 

Marku is arkay inu xidhanyahay ayuu ku yidhi sagaalkii kale :

 

Sidina sagaal walaal ah

Siddayda nin bah gooniya

 

 

Markaasa madaxii sodoogiisa oo dhulka yaal arkay, isna wuxu is akray isagoo xidhan, an waxba tarahayn , markasa wadanhu dilaacay u dhintay.“

 

Gabaygaas isagoo loogu abtiriyay Ina Cabdulle Xasan wuxu ku jiraa boga 53aad [7]diiwaanku qoray Aw Jaamac Cumar Ciise. Siyaabuu gabaygu ku yimi iyo dhacadaddi keentay wuxu ku sheegay inay ahayd 1919kii wuxuna yidhi sidan ayay u dhacday:

 

“ Sheeko kutirikuteen ah runse u dhow waxaannu ku helnay in Ingiriisku Sayid Maxamed u soo diray siddeed nin oo Soomaali ah si ay u dilaan ama u dagaan oo dawga Ingiriisku doonaayo ugu soo riddaan. Nimankii hadday xaruntii tegeen , si fiicanna laysu dhex galay ayaa Sayidkii sirtoodii iyo xeeladoodii ogaadey , Haddaba markay u caddaatay in nimankani ismalaakadeed yihiin , sir iuo musuqmaasuq wadaan ayuu tallamay inuu laayo , ha yeeshee warna meel dheer buu ku dhacaa , dhagaxana meel dhow ee way la ahaan weyday dilkoodiina wayska dhaafay. Rag odayaali waxay yidhaahdeen waa nimankii Siikh laga soo diray oo Qorra ugu tegey dayuuradda gadaalkeedii 1919.”

Waxa sheekada Caamir qoray xili ku beegan 1891-1892 Schleicher oo Jarmal ahaa, waaxana la daabacay 1894. Gabayada maanta ku keydisan diiwaanku qoray Aw Jaamac Cumar Ciise ee Soomaalidu u taqaan gabayadii ina Cabdulle Xasan , run ahaan marka si cilmiyaysan loo baadho , lama odhan karo gabayadan waxa tiriyay ina Cabdulle Xasan wixii ka danbeeyay 1904 tii oo ay kooxdaasi isku raacday inu xiligaas bilaabay curista maansada. Gabayda diiwaankaas ku jira qaarkood judhiiba qofka akhriyaa wuu dareemi karaa inaanu lahayn ninkay ku sheegayaan , oo gabayadaas isaga laftiisa ayaaba lagaga hadlayaa qaarkood.

 


[1] Kurt Berghold Wiener Zeitschrift für die Kunde des Morgenlandes Vol. 13 (1899), pp. 154-155.

[2] Markii Qawdhan Ducaale gaboobay ay xijaabteen gabayaagi ay isku jiilka ahaayeen ayaa wuxu ku gabayay : Aniga iyo Salaan uun baa ku hadhay heelkii maansado’e . Markii Salaan ka hor dhintay na wuxu ugu barooqordiiqay tix ay ka mid ahaayeen:

Sarkaalkii ka dhimay reer Isaaq saamka hayn jiraye
Waakaa siraadkii bakhtiyey sabadi Beereede
Sayruuq baxaayuu ahaa sulubki dheeraaye
Sariiraha Jannada Eebeheen saamax haw dhigo’e
Sii’Oogu waa ani, hadduu siibtay Janankiiye.

 

[3] Under the flag : and Somali coast stories By Walsh, Langton Prendergast.p.126-127

 

[4] Wuxu Muuse Galaal oo cajalad kaga waramaya labadaa gabay ee Cali Jaamac iyo Maxamed Bulxan Cawar , sheegay in markii danbe la jabiyay colkii iyo Adoontii Maxamed Sharmaarke isna la dilay . Arintaas dilka waxba kama jiraan Maxamed Sharmaarke isagoo caaqil ah ayuu ku geeriyooday Berbera 1898kii.

[5]

[6] Somali-Texte by Adolf Walter Schleicher.1900. pp.21-22.

 

[7]  Diiwaankii Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare.1974..

[1]Taariikhdii daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, 1895-1921 .p.4-5.

[2]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.141.

[3]SOMALIA: A Nation’s Literary Death Tops Its Political Demise By Said S. Samatar.pp.139-.140

[4] Somalia III – La poesia dei somali, la tribù somala, lingua somala in caratteri arabi ed altri saggi.p,199,

[6] Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.138.

[7]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.139.

[8]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982. P.139-141.

[9]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.141.

[10]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar.pp.140-141

[11]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar. 1982.p.141.

[12]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan. Said S. Samatar.p.145

[13] ‘Ali Jaama’ Haabiil, a prominent poet spokesman of the Habar Awal section of the Isaaq clan-family, whose people persistently opposed Dervishism. Until his premature death some years before the collapse of the Dervish.p.148

[14] Section II . Dervish Perconalities. Ismay 3_1_20.

 

 

 

La soco qeybta 4aad.

Rashid Jaamac.

Kayse78@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker