Muxuu ku saabsan yahay Shirka Abiye Axmed isugu yeedhay Madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Magaalada Adis-Ababa ee Caaismada dalka Itoobiya, waxaa ka socota qaban qaabadii udnabeysay ee loogu diyaar garoobayo SHirka beri oo Jimco ah ka furmaya Adis.

Shirka, waxaa iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya ABiye Axmed, Waxaana isugu imanaya Dad ku dhow 1,000 qof oo laga kala keenay Gobolada Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Dadka lagu casuumay shirka, waxey ubadnaan doonaan Odayaal laga kala keenay Gobolada dhan ee DDSI, Sidoo akle waxaa la casuumay xubnaha Ururka Dulmi-Diid oo ah qurbe joogta ka soo jeeda DDSI.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee diirada lagu saarayo shirka, ayaa ah sidii looga arinsan lahaa nabadgelyada Deegaanka, maadaama ay dheceen rabshado uu dhiig ku daatay Bilowgii bishan xiligaas oo ay dhaceen rabshado ka dhashay Cadaadiskii la saaray Cabdi Maxamuud Cumar, si uu kursiga uga dago.

Khaliil Cabdi Samadam Axmed oo kamid ah xubnaha shirka lagu casuumay ayaa inoo sheegay in shirka suura gal ay tahay in lagu soo qaado, sidii dib ueshiisiin buuxda loo sameyn lahaa, Maadaama dadka qaar wali ay wax kala tirsanayaan.

Sidoo kale ABiye Axmed, waxa uu beri kulan fool ka fool ah la qadaan doonaa Madaxweynaha cusub ee DDSI, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka arinsan doonaan, waloow dad ku dhow Madaxweynaha ay soo sheegayaan in miiska la soo saari doono, waxa laga yeelayo askartii uu sida gaarka ah usameystay Cabdi maxamuud Cumar.

Madaxwaynaha cusub ee sida ku meel gaar ah xilka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya loogu magacaabay Mustafa Maxamed Cumar ayaa si rasmi ah uu shaaciyay maanta oo Khamiis ah in la bedalay magaca iyo astaantii calanka DDSI.

Mustafa, oo xilka loo magacaabay shalay ayaa daboolka ka qaaday in magaca cusub uu yahay “Somali State” kaasoo marka la Soomaaliyeeyo uu yahay Maamulka Soomaalida, isagoo tibaaxay in calanka dib loogu soo celin doono midka Shanta xidig ay ku jirtay.

Magacan cusub ayaa meesha ka saaray Ergaygii Itoobiya oo mudo ku larnaa ismaamulka Soomaalida oo la oran jiray “dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya”.

Sidoo kale, tani waxay ka dhigan tahay in calanka qaybta ay kaga jirta Hasha Geella ah oo u­keysiinaysa calanka midka dalka Itoobiya uu meesha ka baxayo, uuna dib ugu soo laabanayo midka Shanta Soomaaliyeed, oo ay gees kaga yaaliin midabada kala ah; Cagaar, Cadaan iyo Gaduud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker