MAANSO CIIL GODLAN
GARDARADU INTAY TAAGAN TIYO
Guul dariyo ceebtu
Inta goluhu xaaraan uyahay
Gaadmo iyo tuugo
Inta gaar wax loo shubana yee
Gacani hoos taalo
Inta ciil godlani madaxa sare
Uu gafuur lulayo
Inta qaar gabdhaha caayayana
Taajku guud sudhan yay
.
Wasiirkaa garaad kiisu dhalay
Gawracaa ubadka
Ee gala tahriib tiyo halaag
Tegis ku guubaab shay
Gadh wadeen intay wada yihiin
Noocan gabay sheegay
Inta gobol la naaxina ya ee
Baaqigii go,ayo
Inta geesigii meel cidla,ah
Girin girayn shaarub
Inta geela kaan celin aqoon
Gaawahaw culayo
.
Gafanuhu intuu nuugayiyo
Bahal kaloo gaabn
Ee gabaarey tuutaysan tahay
Meel goshiyo baara
Godol qaad inuu ubad ka helo
Waa wax soo gudhaye
.
Goblan weeye soomaali laan
Aabaheed go,aye
Gumar iyo cadaad iyo xasbay
Gogoshi taalaaye
Garba duub qofkii juuq yidhaa
Jeelka lagu geeye
Gunta aan xishoon iyo intii
Guul wadiyo neefa
Gocoraa qabsaday aan ogayn
Gooh la soo maraye
Kuman baa ugo,ay oo ku jira
Meel godoo xidhane
Gam,i waaye xumaantay wadaan
Goosankii hadhaye
.
Fulihii ka goobyaa-layee
Foranba aan gaadhin
Geerida ka meer meera yiyo
Cadawga gees tiisa
Ganbadh keeda kiibaa fadhiya
Oo guddoon sha,ahe
Garab kiisa yeybaa camiran
Guro yay xaal-koode
Gurduf gaarduf caydhaa ku degey
Oon walaal garane
.
In yaroo damiirkii gubtaa
Tuban garoon kiiye
Gool qudha inay kuu dhashaan
Gacalo haw feedhan
Gurmad buu yabooh ugu jiraa
Oo dalkani waa go,doon dhabahe.
C .GUULEED LIIBAANÂ SNM 1710@LIVE.COM