Wararkii ugu danbeyay shil gaadhi oo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay waddada isku xirta Hargeysa iyo Berberaa

Saddex qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo xalay ka dhacay jidka dheer ee isku xira Hargeysa iyo Berbera.

Shilka Gaari ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa tuulooyinka Aw-barkhadle iyo Dhubato oo ku yaal waddada Hargeysa iyo Berbera u dhaxeysa .

Dadka ku dhintay ayaa ahaa laba haween ah iyo nin, halka saddexda ku dhaawacamay ay kala hayeen laba nin oo Darawalku ku jiro iyo qof dumar ah, kuwaas oo xaaladdooda lagula tacaalayaa cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Ma jiro wax faah faahin oo Ciidanka Boolisku ay ka soo saareen shilkan.

Shilalka Gaadiidka ayaa Somaliland ku soo badanayey muddooyinkii u u danbeeyay iyada oo warbixin ay Boolisku baahiyeen sannadkii hore ay ku sheegeen in shilalka ka dhacay deegaannada Somaliland ahaayeen 6530 shil, waxaana ku dhintay 198 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4,890 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker