Dhakhtar Falastiini ah oo ku dhintay xabsiga Israel

Dhaqtar Falastiini ah ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla Israa’iil kadib markii uu in ka badan afar bilood uu ku xirnaa, sida ay sheegeen ururada maxaabiista Falastiiniyiinta.

Dr Adnan Al-Bursh, oo 50 jir ah, waxa uu ahaa madaxa dhaqaatiirta lafaha cusbitaalka al-Shifa.

Israa’iil ayaa ku xaqiijisay bayaan la daabacay 19-kii Abriil kaas oo ku saabsana maxbuus loo soo xiray sababo xagga amniga qaranka oo ku dhintay xabsiga Ofer in uu ahaa Dr Al-Bursh.

Ma jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyay dhimashadiisa , taliska xabsiga ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo.

Balse kooxaha u dooda maxaabiista Falastiin ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in dhimashada Dr Al-Bursh ay tahay “shirqool dil ah” meydkiisana uu weli ku jiro gacanta Israel.

Dr Al-Bursh ayaa ahaa madaxa lafaha ee xarunta ugu weyn Gaza ee isbitaalka al-Shifa oo ay dhowr jeer weerareen ciidamada Israel.

Waxa uu si ku meel gaar ah uga shaqaynayay cisbitaalka Al-Awada ee waqooyiga Gaza markii ay xireen ciidamada Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker