Madaxweyne Shaqsiyaadka Nabada Ceel-afweyn Mashruuca Ka Dhigtay Soo Afjar

Muddo dheer oo gaadhay 5 sano ayay jirtey colaada Degmada Ceel-afweyn oo u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah weligeedna wada deganaa, isu abti ah, isu sodog iyo seedi ah, taasoo xal u helideeda ilaa imika aan la ahayn, iyada oo marar badan xal nabad gelyo la gaadhay, hadana ay halkeedii ka soo socotay colaadu ilaa waqtigan aan joogno.
Colaada Ceel-afweyn shacabka somaliland, waxay ku noqotay fajiciso colaad aan dhamaad lahayn, heshiishyo laga baxayo, dhaar taagan oo aan lagu dhaqmay iyo is eedayn taagan maalin iyo habeen, taasoo ceeb ku ah qaranimada somaliland, wada noolaashaha bulsho, nabadgelyada oo meel xun gaadhi garta iyo in ay dhaawacdo guud ahaan hanaanka dowladnimo ee somaliland lagu majeerto.
Sida aynu wada ognahay nabada Ceel-afweyn waxaa la geliyey tacab badan, kaasoo ka yimid dowlada iyo shacabka somaliland, gogol nabadeed baa la dhigay Ceel-afweyn, iyada oo aan loo kala hadhin, go’aankiina waxaa ridey culimada somaliland kuwa ugu waaweyn, hadana colaadii isma ay taagine way socotaa weli.
Hadaba waxaa is weydiin leh Su’aasha ah xagee bay nabadu ka xidhmi la’dahay? Hadii aan runta taabto nabadu waxay ka xidhmi ladahay meesha waxaa ka socda mashruuc, mashruuc waxaan uga jeedaa waxaa jira shaqsiyaad miisaan leh oo ka soo kala jeeda labada beelood kuwaasoo nabadgelyo darrada Ceel-afweyn ku hela dhaqaale, hadii ay soo afjaranto colaada Ceel-afweyna waxay ku waayayaan dhaqaale badan.
Tusaale ahaan wiilka geela la jooga ee wax samaynaya ama wax dilayaa waxaa uu ka amar qaataa shaqsiyaad waaweyn oo ka mid ah labada dhinac , balse keligii inta uu go’aan qaato waxba ma dilo. Waxaan tusaale kale u soo qaadanayaa maalmihii u danbeeyey xal nabadeed baa lagu dhawaaqay, xukuumadduna waxay diyaarisay wixii kaga aadanaa nabada Ceel-afweyn, markiiba si toos ah ayaashaqsiyaad warbaahinta u soo fadhiisteen oo waxay dadafeeyeen nabada Ceel-afweyn, taas ayaa muujinaysa in shaqsiyaad miisaan ku leh degaanka Ceel-afweyn ay mashruuc ka dhigteen nabada Ceel-afwene.
Waxaa kale oo tusaale u soo qaadanayaa markasta oo wax dhacaan rag baa u taga dowlada iyo ganacsatada oo yidhaahda dhaqaale keena nabada ayaanu Ceel-afweyn ka keenaynaaye, marka dhaqaalaha loo dhiibona jidka ayay ka soo noqdaan iyaga oo aan waxba soo qaban, ka dibna mareegaha reeruhu leeyihiin baa dhaqaale dagaal loogu uruuriyaa.
Shaqsiyaadkan aan u xusay dhaqaalaha ugu badan waxay ka helaan qurba joogta, ganacsada iyo dowlada lafteeda oo ay dhaqaale kaga qaataan annaga ayaa nabada keenayna, taas ayaa ah mid la wada ogyahay oo jirta, waana sababta ugu wayne colaada Ceel-afweyn u dhammaan la’dahay, hadii aan raggaa noocaas ah aan wax laga qabana oo aan ummadda la tusni xal loo heli mayo nabada Ceel-afweyn.
Hadaba waxaan odhan lahaa madaxweynaha somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo runtii wax badan geliyey nabada Ceel-afweyn sidii xal loo heli lahaa, waxaan leeyahay madaxweyne waxaa Ceel-afweyn ka socdaa mashruuc shaqsiyaad ku shaqaysanayaan, kuwaas oo aan doonayn in nabadi ka islaaxdo Ceel-afweyn, raga noocaas ah madaxweyne ummadda ka hor dhaqaaji oo sharciga ha la mariyo, si loo badbaadiyo ummadda inteeda kale.
Waxaan ku soo koobayaa aan leeyahay madaxweyne shaqsiyaad nabada Ceel-afweyn Mashruuca ka dhigtay soo afjar.

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker