Loolanka Adag Ee Loogu Jiro Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

 Xisbiga Kulmiye  Loolanka Adag Ee Loogu Jiro Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Loolankaas Adag Oo Ay Ku Hirdamayaan Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Ee Xukuumaddii Madaxwayne Axmad Siilaanyo Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Muxammad Kaahin Axmad Ee Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi .
Haddii Aynu Ku Horayno Muxammad Kaahin Axmad Wuxuu Ahaa Afartii Nin Ee Ugu Hor Talaabay 1982 Wakhtigii Lagu Dhawaaqay Jabhaddii SNM 6/April/1981, Kaahin Wuxuu Ku Taqasusay Milateriga Qaybta Sahanka Waana Ragga Far Ku Tiriska Ah Ee Gayiga Soomaalida Lagaga Dambeeyo Sahanka, Ciidan Aan Lahayn Sarkaal Ku Taqasusay Sahanka Guulo Ma Gaadho, Guusha SNM Ku Gaadhay Inay Jebiso Dawladdii Sadexaad Ee Afrika Ugu Awooda Badnayd Qayb Libaax Ayuu Ku Suntan Yahay.
Muxammad Kaahin Wuxuu Noqday Wasiirkii Gaashaandhiga 1991-1992 Xukuumaddii Madaxwayne CabdulRaxmaan Axmad Cali Allaah(Swt) Ha U Naxariisto Aamiin Aamiin Aamiin Insha Allaah.
Maxamuud Xaashi Cabdi Wuxuu Ku Biiray Jabhaddii SNM 1987 Wuxuuna Qayb Libaax Ka Soo Qaatay Halgankii Wadanka Lagu Xoraynayay, Wuxuu Kaloo Noqday Maayarkii Degmadda Dhoqoshay Wakhtigii Laga Qaxay Burco Wuxuu Kaloo Noqday Maayarkii Ugu Horeeyey 1991 Magaaladda Burco Xukuumaddii Madaxwayne CabdulRaxmaan Axmad Cali Allaah(Swt) Ha U Naxariisto Aamiin Aamiin Aamiin Insha Allaah.
Xaashi Wuxuu Ka Mid Noqday Barlamaankii 1993 Xukuumaddii Madaxwayne Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariisto Aamiin Aamiin Aamiin Insha Allaah.
Maxamuud Xaashi Wuxuu Ka Mid Noqday Aasasayaashii Ururkii Kulmiye 2001, Wuxuuna Ahaa Gudoomiyaha Ololaha Goboladda Bariga Somaliland Ee Ururka Oo U Horseeday Inuu Ururkii Uu Ka Tirsanaa Xisbi Ahaan U Soo Baxo Weliba Kaalinta Labaad Galo.
Maxamuud Xaashi Wuxuu Ka Mid Yahay Ragga Far Ku Tiriska Ah Ee Allaah(Swt) Uu Hibada U Siiyay Af Tahanimo, Khudbadaha Oo Kuu Dusha Ka Akhriyo, Saxaafadda Oo Uu Yaqaano Sida Layskaga Difaaco, Sida Loo
Kas- Bado Shacabwaynaha, Wuxuuna Ahaa Shaqsiga Ku Suntan Sadexdii Jeer Ee Xisbiga Kulmiye Ku Guulaystay Doorashaddii Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Sadexdaas Jeer Oo Kala Ah 2003 Waxaa Doorashadda Madaxtooyadda Ku Guulaystay Xisbiga Kulmiye Codadka Rasmiga Ah Ee Muraaqibiinta Kulmiye Hayeen Wuxuu Ahaa 15500 Cod Toban Shan Kun Iyo Shan Boqol Oo Cod .
Xaaji CabdulKariim Xuseen Waraabe Allaah(Swt) Ha U Naxariisto Aamiin Aamiin Aamiin Insha Allaah Waa Tuu Yidhi Doorashadda Waxaa Helay  Axmad Siilaanyo Haddii Aanu Nahay Guurtida Anagaa Uu Hiilinay Daahir Rayaale Kaahin, Axmad-Siilaanyo Waxaanu Leenahay Duco Ha Qaato.
Doorashaddii Labaad Ee Madaxtooyadda Loo Tartamayay Waxay Ahayd 2010.
Doorashaddii Sadexaad Ee Madaxtooyadda Loo Tartamayay Waxay Ahayd 2017.
Wakhtigii Madaxwayne Axmad Siilaanyo Doonayay Inuu Murashax Madaxwayne Kala Soo Baxo Xisbiga Kulmiye Wuxuu Isugu Yeedhay Madax Dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada Iyo Aqoonyahanka Beesha Habar Awal Wuxuuna U Soo Bandhigay Inay Iska Soo Doortaan Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Waxaa Lagu Kala Tegay Is Faham Wanaagsan Balse Ragg Badan Oo Damac Leh Ayaa Odayaashii Ku Dhex Dhacay Yagoo Midba Midka Kale Ka Shakisan Yahay.
Odayaashii Habar Awal Afar Kooxood Ayay U Kala Jabeen Kooxkastaaba Waxay Madaxwayne Siilaanyo Ula Tageen Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye In Hebel Laga Dhigo!!!!!!, Kooxi Waxay Wadataa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Kooxi Waxay Wadataa Wasiirka Maaliyadda  CabdulCaziiz Muxammad Samaale, Kooxi Waxay Wadataa Wasiirka Arrimaha Dibadda Muxammad Biixi Yoonis, Kooxi Waxay Wadataa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Odayaashii Habar Awal Markay Jiq Isku Noqdeen Oo Meel Ay Iskugu Biyo Shubtaan Garan Waayeen Waxay Iskula Noqdeen Yagoo Isku Duuban Madaxwayne Axmad Siilaanyo Oo Ay Yidhaahdeen Mudane Madaxwayne Afar Nin Ayaa Is Bar Bar Ordaya Raggii Aad Talada Iyo Go’aanka Ka Sugaysay Afar Nin Ayaanu U Kala Qaybsanay Mudane Madaxwayne Adiga Ayaanu Kuu Daynaynaa Go’aanka U Dambeeya Ee Aad Ku Kala Xulanaysid Afartaas Nin.
Madaxwayne Axmad Siilaanyo Wuxuu Odayaashii Ku Yidhi Wakhti Ha Laysiiyo Aan Ka Soo Baaraan Dego Ninka Noqonaya Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Insha Allaah, Madaxwayne Axmad-Siilaanyo wuxuu Si Qarsoodiya Ula Tashaday Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka
Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Arrintii Odayaasha Habar Awal Ayuu U Bandhigay Inay Afar Nin U Kala Jabeen, Xaashi Wuxuu Qaatay Go’aan Adag Oo Uu Ku Taageerayo Inuu Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Inuu Noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Insha Allaah, Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Wuu Ku Raacay Wuxuuna Todobaad Ka Bacdi Sameeyay Inuu U Soo Bandhigo Afarta Wasiir Ee Beeshiisa Ka Soo Jeeda:-
1. Wasiirka Madaxtooyadda
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.
2. Wasiirka Duulista Hawada Iyo G/Cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.
3. Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta
Mudane Xuseen Cabdi Ducaale .
4. Wasiirka Dib U Dejinta
Mudane Cali Siciid Raygal .
Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Go’aan Iyo Talo Soo Jeedin Uu U Soo Jeediyay Una Soo Bandhigay Afarta Wasiir Ee Ka Soo Jeeda Beeshiisa Ninkaan Xisbiga Kulmiye Madaxwayne U Sharaxayaa Waa Mudane Muuse Biixi Ma iigu Raacsan Tihiin Inaad ILa Dhistaan Waxaa Ka Biyo Diiday Kana Goows Adaygay Wasiirkii Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Isna Watay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Mudane Muxammad Biixi Yoonis, Wasiir Xirsi Iyo Kooxdiisii Waxay Go’aan Adag Ku Gaadheen Inay Iswada Casilaan Kooxdaas Oo Ahayd Koox Miisaankeeda Leh Oo Isugu Jira Wasiiro, Agaasimayaal Guud, Waxayna Samaysteen Isbahaysi Balaadhan Yaga Iyo Taageerayaashoodii Waxay  Ku Biireen Xisbiga Wadani.
Madaxwayne Muuse Biixi Waxaa U Qorshaysan Insha Allaah Afar  Arrimood Oo Kala Ah :-
1. Madaxwayne Muuse Biixi Inuu Kala Reebista Soo Xulista Shaqsiga Noqonaya Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Uu u Daayo Beesha Habar Jeclo Oo Ula Yimaada Go’aan Midaysan Oo Beeshu U Dhan Tahay Insha Allaah.
2. Madaxwayne Muuse Biixi Inuu Go’aan Adag Ka Gaadhi Doono Haddii Beesha Habar Jeclo Kala Saari Kari Waydo Muxammad Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi Oo Ay La Kala Saftaan.
3. Madaxwayne Muuse Biixi Inuu Doonayo Shantiisa Sano Markuu Dhamaysto Inuu Koror Sado Muddo Laba Sano Ah, Ka Dibna Gudoomiyaha Iyo Murashaxa Madaxwayne Ka Dhigo Mudane Muxammad Kaahin Axmad
Insha Allaah.
4. Madaxwayne Muuse Biixi Inuu Doonayo 12 Sano Inuu Madaxwayne Noqdo Laba Doorasho Madaxtooyo Iyo Laba Sano Oo Muddo Kordhina Ka Dibna Gudoomiyaha Iyo Murashaxa Madaxwayne Ka Dhigo Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Da’ahaan Aad Uga Yar Muxammad Kaahin Axmad Oo Dhashay 1947, Halka Maxamuud Xaashi Cabdi Uu Dhashay 1964.
Waxaa Kaloo Iswaydiin Leh Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Markuu Noqdo Mudane Maxamuud Xaashi, Xisbiga Wadani Ma Ka Faaidaysanayaa Inuu Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ka Dhigo  Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Insha Allaah.
Waxaa Kaloo Iswaydiin Leh Madaxwayne Biixi Haddii Uu Ka Dhego Furaysto Dalabka Beesha Habar Jeclo Ku Kala Saarayso Labada  Masuul Ee Ku Loolamaya Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Uu Gudoomiyaha Ku Wareejiyo Muxammad Kaahin Axmad, Xisbiga Wadani
Ma Ka Faaaidaysan Karayaa Inuu Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ka Dhigaan
Maxamuud Xaashi Cabdi Insha Allaah.
Madaxwayne Muuse Biixi Ma Wuxuu Qaadan Doonaa Go’aankii Qadhaadhaa Ee Uu Qaatay Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Oo Wakhtigii Jabhaddii SNM Oo Aanay Isku Wanaagsanayn Colaad Xunna Ka Dhaxaysay Sadex Kornayl Oo Kala Ah Muuse Biixi , Muxammad Kahin , Ibraahim Dhega Wayne Balse Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Aanu Qaadan Cadoowgaaga Cadoowgiisu Waa Saaxiibkaa, Balse Uu Qaatay Saaxiibkaaga Saaxiibkiisu Waa Cadoowgaaga !!!!!!!!!, Gudoomiyaha Iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye Uu Ka Dhigay Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Ma Laga Yaabaa Inuu Madaxwayne Muuse Biixina Uu Qaato Go’aankii Qadhaadhaa Ee Uu Qaatay Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Oo Uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Murashaxa Madaxwayne Ee Mustaqbalka Uu Ka Dhigo
Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.
Qalinkii: Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmad-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker