Guusha Caalamiga Ah Nobel peace prize PM Abiye Ahmed

Waxaa xaqiiq ah in Dr. Abiye Ahmed uu amniga nabada iyo xuquuql insaanka, iyo is dhexgalka uu muddadii koobnayd   shaqaynayey heer gobol ilaa heer caalami ka gaadhey, Sidoo kale madaxweyne cagjar iyo Guddomiyaha xusbiga  Ahmed Shire ayaa soo afjaray dilkii, sumcad xumadii iyo bahalnimadii dhiiga jidhka iyo dhaqaalaha ummada lagu xalaasahadey ee LIYU BOLISKU fulin jirey xilligii hore.
hadaba yaabka amakaaga iyo isweydiintu waxay tahay.
Hab dhaqanka noocaas ahi wuxuu ka jiraa Magaalada Xuduuda ah ee tog-wajaale, mararka qaar waxaad odhanaysaa ma alshabaab iyo daacish baa Booliiska Soomalida ah ee halkaa jooga, ama qabalayda kuwa ka shaqeeya ma saldhigyada ha noqoto, balse marka ay illaahay iyo nebigaaga acayaan ayaad fahmaysaa inay yihiin dad arxanka iyo akhlaadiiba dhimatay oo aany soo noolaanayn.
hadaad u qadotagto maqaaxi Ethiopianka aan Somali State dadka udhashay lahayni waxaad mudanaysaa fadeexad iyo Xadhig.
inta dheged lagula dhaco iyo laad iyo dhirbaaxo ayaa Laamiga lagu fadhiisinayaa, masrkaas baa la odhanayaa khamri buu cabayey oo miyaan khamrigu lahayn liisan dowlada Ethiopia bixisay.
hadaad dumar tahay iyo hadaad nin tahay waa isku mid hadaad safar tahay iyo hadaadan ahayn waa isku mid ujeeddadu waa in lacag la helo ayaa laguu fadeexadinayaa laguu garacayaa laguu dilayaa.
Sharciga Itoobiya muxuu ka qabaa akhlaada iyo dhaqanka noocan ah. waxaan u malaynayaa waxa soomalida lagu sameeyo ee Booliiska Somaliga ahi ku sameeyo dadkii la dhashay iyo halkuu ku dhashay inaany jirin cid waxa noocan ah aqbali kartaa.
BOOLIISKA NABAD GELYADA IYO QABALAYADA TOG WAJAALE WAA BAR MADOW OO DOIWLADA IYO SOOMAALIDA ITOOBIYA KU TAAL.
WAA KANSAR AAN U QALMIN INAY DADKA KU DHEX NOOLADAAN.
WAA DEMBIILAYAAL DOWLADA FEDERAALKA IYO DOWLADA SOOMALIDA ITOOPIYA IYO SHACABKA WAJAALE DEMBI KAGALAY.
Waxaynu Ognahay in Dawlada Itoopiya ay lee dahay Immigration iyo Kastamo.
Wxaynu Og nahay is Saldhigyada lagu galo dembi gacanta lagula jiro, maxkamad waaran ay kuusoo jartay..
Saldhigyada Soomalida Wajaale Ee Booliiska Soomalida Deegaanka
Waa Magefayaal hadh iyo Habeen u taagan garaacida, dilida waxyeelaynata boobka Fadeexada ku xad gudubka cirdiga, Somaalilada Itoobiyaanka  ah iyo Soomaalida Martida ah
Waana in taliyaha Booliiska Soomaalida Itoobiya uu dhamaantood la xisaabtamo.
maaha noocan kuwo Somalida iyo Itoopiya u baahan tahay. Waa cadaystayaal bahaloobaya oo inay dadka waxyeelo iyo cadibaad u geystaan Masaariif Nolol  Balwad iyo Shaqo ka dhigtay.
Guddida xuquuqul insaanka federaalka
Guddida Xuquuq insaanka Somali State
Guddida illalinta xuquuqda ganacsiga iyo meherada heer federaal iyo heer kilil
waa in Tallaabo laga qaado.
Sidoo kale Maayarka wajaalle ayaa ah qof qayral masuula oo aan xog iyo xaaltoona kahayn waxa ka dhacaya magaalada tog-Wajaale Qaybta Ethiopia waa in la keeno Mayor aqoonleh degan oo ah qof mujtamacyo kala duwan iyo xuduudo masulliyadeeda qaadi kara.
Himilada Keliya ee Booliska iyo Maamulka Tog-Wajaale Waa Hunguri.
Wxaan filayaa in lagaadhey xiligii isla xisaabtanka.
Ma rabno in Jidhdil sharci daro ah.
Ma rabno inaan Laaluush bixino anagoon waxba galabsan.
Ma rabno in Xoriyada iyo Dadnimadayada Qof baad rabaa ku xad gudbo.
Waalahay illaa Heer Federaal ayaan tegeynaa inaan Wajaale ka Xorayno Booliiska Mooryaanta ah iyo Qabaleeyada ay ku adeegtaan.
xamse mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker