Police-ka Dawlada Giriiga oo Dhibaatooyin U Gaystay Qaxoontiga Kasoo Cararaya Colaada Suuriya

 

 

Iskahorimaadyo xooggan ayaa ka qarxay soohdinta u dhexaysa dalalka Giriiga iyo Turkiga halkaasi oo ciidamada Booliska Giriiggu iyaga oo adeegsanaya gaasta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo xawaare sare ku socda ay ku kala eryayeen qaxoontiga iyo muhaajiriinta isku dayaya in ay gudaha ugu galaan Giriiga.

 

 

Wararka ka imanaya xuduudka u dhexeeya labada dal, ayaa sidoo kale sheegaya in dadka qaxoontiga ah qaarkood doonayaan inay ku galaan si xoog ah Giriigga.

 

Iyadoo Kumanaan muhaajiriin iyo qaxooti iskugu jiraana rabaan inay Giriiga kasoo galaan xuduudaha bariga iyo badda ee uu Turkiga la wadaago.

 

Tan iyo todobaadkii hore markii Turkigu uu caddeeyay inuu dhankiisa furay xuduudda, si ay qaxoontigu u galaan qaaradda Yurub

 

Qaxoontiga reer Suuriya ee uu Turkigu qaabilay, ayay Tiradoodu dhan tahay 3.6 milyan oo ruux.

 

Kadib bilo uu ku hanjabayay inuu xuduudka furi doono, ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan sheegay, in aanu dalkiisu sii ahaan doonin albaabka Yurub.

 

Erdogan wuxuu ku Adkaystay in midowga Yurub aanay taageerin dhamaadka heshiis ka badan lix bilyan oo ah lacagta Euro ah.

 

Si loo joojiyo qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta ee kusii jeeda qaaaradda Yurub, kadib markii in kabadan hal milyan oo qof ay galeen Midowga Yurub sannadkii 2015.

 

 

 

Qaxoontiga reer Suuriya ee uu Turkigu qaabilay, ayay tiradoodu dhan tahay 3.6 milyan oo ruux.

 

Kadib bilo uu ku hanjabayay inuu xuduudka furi doono, ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan sheegay, in aanu dalkiisu sii ahaan doonin albaabka Yurub.

 

Erdogan wuxuu ku adkaystay in midowga Yurub aanay taageerin dhamaadka heshiis ka badan lix bilyan oo ah lacagta Euro ah si loo joojiyo qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta ee kusii jeeda qaaaradda Yurub, kadib markii in kabadan hal milyan oo qof ay galeen Midowga Yurub sannadkii 2015.

 

 

Erdogan Wuxuu ka dalbaday Midowga Yurub inay isa saaraan culeys dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka qaxootiga, inkasta oo Midowga yurub uu ku adkeysanayo inuu u hogaansamay heshiiska ay ku bixiyeen balaayiin lacagta Euro ah, si Turkiga looga celiyo qaxootiga.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker