AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE JSL WAXUU DHAMBAAL TACSI AH LA WADAAGAYAA EHELKA MARXUUM AXMED MAXAMED XALANE

Annigoo ku hadlaya magaca Guddoonka Baanka, iyo kan shaqaale weynaha Baanka Dhexe ee Somaliland, waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, ehelkii, tafiirtii, xigto iyo xigaal, asxaab iyo shaqaalaha Baanka ee uu muddada dheer la shaqeeyey, geerida Marxuum Axmed Maxamed Xalane oo maanta 28/09/2019 Hargeysa lagu aasay.

 

Waxaan Alle marxuumka uga baryayaa inuu u naxariisto, qabriga u nuuro ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare, iyo inuu ehel iyo axsaabna waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.
 
Axmed Xasan Carwo
Agaasimaha Guud ee
Baanka Dhexe
Hargeysa, Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker