DHULKA MIYIGA Iyo GORGORKA

Sida aynu wada ognahay xukuumadaha SOMALILAND oo dhan inuu wax qorshe ah oo ay xoolaha iyo dadka iyo bii’adda miyiga ay gelisaa inuu jiro. dhibaatada nolosha Reer SOMALILAND na waxay ka soo unkantaa dad iyo xooloba waa dhulka  miyiga ah hayday caafimaad la’aan tahay iyo hadday tacliin la’aan tahay iyo hadday nabad gelyo la’aan tahay intuba wax qorshe dawladeed oo reer miyiga misaaniyad ahi ugama jiraan waxba yey wasiirka degaan ka  isku sheegta een aqoon bii’adeed iyo mid degaan aqoon u lahayn ee Dooxa Hargeysa ku dhalatay yaanay been idiin sheegin. Xukuumaddu hadday reer miyi wax u qabanayso collaadda shan jir ka ah ee ceelafweyne bay wax ka qaban lahayd kuwa wax tooganaya maalin kasta gorgorka yar wey ka daranyihiin,kuwa ciidan beeleedyada quudiyaa gorgorka way ka daran yihiin.

GORGORKA CUNIDDA DADKA BILAABAY WUXUU KA MID YAHAY (POPULATION) KU NOOL CARIGA SOMALIDA AYUU KA MID YAHAY,IN SI CILMIYANA LA ISU WEYDIIYO MAXAA GORGORKA KU DHACAY, MA CUDURBAA KU JIRA UU HAADKU QAADAY OO LA BAADHO CAAFIMAADKIISA. CUDURKAASI 2000 sano ka hor Liverpool buu gorgorka ku dhacay uu dadkii cunnay, dunida meelo kale  inuu waqtiyo kala duwan ku dhacay baa jiri karta waa sababta calaamadda Liverpool Gorgorka looga dhigay.
Xukuumadda SOMALILAND miisaaniyad reer miyi wax loogu daray ma jirto si miisaanyadda reer miyiga loo ogolaado waa in reer miyiga neefkooda xoolaha ah 3 bilood ka joojiyaan inay magaalo u iibgeeyaan marka caloola weyntu hilibka weydo ayey reer miyiga la dhegaysan doonaa.
Gorgorka waxaa laga yaabaa inuu Allah u soo diray baraarujinta bulshada reer miyiga ee aan xaqooda la siin xoolahoodana jabnaanta lagu qasho magaalooyinka. Reer miyiga iyo xoolaha nooli waa waxa ugu  muhiimsan somaaliyi meel ay joogtaba waana kuwa ugu dayacan.
Badhisaabada gobolada aan magaalooyinka waaweyn joogin sida Oodweyne, caynabo, laascaanood, Ceerigaabo wax badhjada ma haystaan Maareeye wax dhaamaana lama joogo. Dhawr bilood mar aannu Maxad meel miyiga u furaynay Badhisaabkii gobolkaa markuu gaadhigii petrol u waayey gaadhi baa reer miyigii u direen si Maxadka uu u furo oo dawladda u yimmaado. Itaalkii Xukuumadeed miyiga dhexdiisa waad aragtaan.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker