Siyaasi CC Shakuur oo Iska Difaacay Eedo uga Yimi Gudoomiyha Golaha Sarre Ee Baarlamaanka Ee Somalia

Qoraal uu soo dhigey Boggiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu Ka jawaabay hadal uu dhowaan uu jeediyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi kaa soo u muuqday Eed ku Saabsanayd dhiibistii  Cabdikariin Qalbi-dhagax ka weecinayay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Cabdi Xaashi ayaa hadalka jeediyey maamlo un kadib markii Qalbi-Dhagax uu bixiyey wareysi uu ugaga hadlay dhibaatooyinkii uu kala kulmay madaxda dowlada federalka.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa waxa uu u qornaa sidan;

Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi wuxuu ogolaaday in noqdo denbi qariye, eed ka roge iyo asture loo isticmaalay in uu eedda kiiska Qalbidhagax ka rogo madaxweyne Farmaajo kuna g eddiyo Sanbalooshe.

 

 

Waase isku day si farsamo xumo ah loo soo qorsheeyey dhanka su’aasha loo dhigay iyo jawaabta uu Cabdi Xaashi bixiyey intaba. Waraysiga Cabdi Xaashi waxaa lagu soo beegay maalmo yar ka dib waraysigii xanuunka badnaa ee la ii sheegay in ay Villa Somalia ka hurdi waysay ee uu bixiyey Qalbidhagax oo eed culus dusha ka saaray madaxweynaha.

 

Cabdi Xaashi wuxuu leeyahay Sanbalooshe ayaa marin habaabiyey madaxweynaha, haddii ay sidaa tahay muxuu madaxweynuhu xilka uga qaadi waayey Sanbalooshe oo xilka 3 oo kale sii hayey? Muxuuse madaxweynuhu u diidi waayey go’aanka ay xukuumaddiisu Qalbidhagax iyo ONLF ku sheegtay in ay argagexiso yihiin? Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo.

 

laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuu ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed.

 

Sababta keli ah ee uu Sanbalooshe eedda u saarayana, waa ‘miskiin baa miska la fuulo leh’, maadaama uusan haatan xil haynin, sababtoo ah intii uu Sanbalooshe xilka hayey Cabdi Xaashi marna kiiska Qalbidhagax kama hadlin, horayna weligii ugama hadal. Haddii dhiibistii Qalbdhigax ee shalay ay marada ka ridday waddani N&N, maantana waxay marada ka riday waddanigii Kacaanka.

 

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa inta badan ku eedeeyey madaxda dawlada ku takrifal xil isaga oo laftiisa loo haysto ama uu saxeexay heshiis badda soomaliya loogu wareejinaayey Kenya oo gaadhaay ilaa maxkamada aduunka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker