Ciidanka Ilaallada Xeebaha Turkiga Oo Badbaadiyay 120 Qof Oo Muhaajiriin Ah Oo kusii jeeday dalka Giriigga

Ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Turkiga, ayaa badbaadiyey ku dhawaad ​​120 qof oo muhaajiriin ah kuwaas oo isku dayayay inay gaadhaan jasiirad kutaal Giriigga.

 

Saddex Doonyaha yaryar ee dheereeya ah, oo ay saaran yihiin qaxoonti kusii jeeda dalka Giriigga ayaa horaantii jimcihii sheegay in maraakiibta ilaallada xeebaha Giriiggu  ay xanibeen ,sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.

 

Dadka Muhaajiriinta ah, ayaa Qayliyay kadib markii maraakiibta ilaallada xeebaha Turkigu ay u soo dhowaadeen meel ka baxsan xeebta galbeedka gobolka Izmir ee dalka Turkiga.

 

Dadkan muhaajiriinta ah ee lasoo badbaadiyay, ayaa waxaa ku jiray dad ka yimi Suuriya, Afgaanistaan, Iiraan iyo dalal kala duwan oo Afrikan ah.

 

Toddobaadkii hore, Ankara waxay sheegtay inaanay joojin doonin boqollaal kun oo magangalyo-doon ah oo ku sugan dhulkeeda, kuwaas oo isku dayaya inay gaadhaan qaaradda Yurub.

 

Dhowr qof oo kamid ah dadkan kusii jeeday Giriigga, oo ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaallada xeebaha Turkigu, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters, in matoorrada doomahoodii ay kala gooyeen maraakiibta ilaalada xeebaha ee Giriiggu si ay uga joojiyaan doonistooda inay cago dhigtaan jasiiradda Lesbos.

 

oo ah meel caan u ah muhaajiriinta , jasiiraddaasi, ayaa qiyaastii 25km u jirta magaalada xeebta Tukiga kutaal ee Dikili.

 

War kasoo baxay xukuumadda Turkiga, ayaa lagu sheegay inaanu marnaba ogolaan doonin, in dadkan kusii jeeda qaaradda Yurub ay Giriigga ka galaan dhanka badda, sababo la xidhiidha inaanay ammaan ahayn.Amarka lagaga joojinayo qaxoontigu inay badda ka galaan Giriigga, ayaa waxaa soo saaray madaxwaynaha dalkaasi Erdogan, todobaad uun kadib markii uu sheegay inuu albaabada u furay qaxoontiga, si ay u galaan qaaradda Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker