Saamaynta Dhaqaale ee Xanuunka Saf marka ah ee COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Intii xanuunka saf marka ah ee Covid 19 uu aduunyada ka bilaabmay gaar ahaan dal waynaha Shiinaha oo uu kasoo galay aduunka intiisa kale, bishii December 2020 sida uu dalwaynaha shiinu sheegay. Iyadoo haay’ada WHO ay ku dhawaaqday xanuunka bishii jeeniweri 2020. Waxa barbar socday saamaynta taban ee kuu ku yeeshay dhaqaalihii aduunka iyo isu socodkii ganacsiga.

Sida ay sheegtay warbixin uu soo saaray maxadka Congressional Research Service in 2.0% bil walba uu dhaqaalaha aduunka hoos u rididoono saamaynta xanuunku. Dhamaan ganacsiga aduunka ayey sheegeen in uu hoos u dhicidoono 13%-32% iyadoo ay ku tiirsantahay saamayntiisa sid uu xanuunku u sii kordho.

Dhaqaalayahanada aduunka ayaa sii saadalina in ay sii jiitami doonto riiqda dhaqaale xumo ee uu kaga tagayo saamanta xanuunka COVID-19 aduunyada iyadoo kasoo kabashadeedu ay qaadandoonto wakhti aan la saadaalin karin.

Iyadoo dhamaan dalka afrikaanka ah uu saameeyey xanuunku dhaqaalahooda oo badidoodu ay ku tiirsanayeen waxyaabaha dibada ay kala soo dagayaan (Imports) haddana waxa ay u kala daranyihiin heerka waxsoosaarkooda oo qollooyinka cuntadadooda 30% lasoo bixi karaa ay quutal daruuriga kaga fiicaan doonaa qolloyinka kale.
Mihiimada ayaa ah in aynu is dul taagno sida uu xanuunku u samaameeyey dhaqaalaha dalkeena oo gabi ahaanba ku tiirsan wax la soo dagid (Import)
Dalkeena waxa uu soo gaadhay xanuunku 31 March 2020 markaas oo wasaarada caafimaadku baahisay kiisaskii u gu horeeyey ee la ga helay dalka.
Siddee ayuu inoo Saameeyey.
Dalkeenu waxa uu ku tiirsanyahay in uu dibada kala soo dago dhamaan quutal daruurigiisa, marka laga reebo wax yar oo beeraheena kasoo go’a una badan dalag iyo khudrad kooban.
Saamaynta dhaqaale uu xanuunka inagaga tagana way sii jiri doontaa muddo waxa ayna ku xidhantahay sida aynu wada jir dawlad iyo shacaba aynu gacanta isku qabsano.

Hoos u dhaca dhaqaale waxa ay saamayn xooga ku yeelatay dhamaan ilaha ganacsi ee suuqeena ha u darnaadaan ganacsiga yar yar ee ku tiirsanaa dakhliga maalinlaha ah ama bilaha ah.
Intii ay xayiraada soo saartay dawladu waxa uu miisaanka ugu badan ku dhacay ganacsiga yar yar sida Iskuuladii wax barasha oo la xidhay, malcaamad quraa;ankii oo la xidhay, hoteeladii oo shaqadoodii yareeyey iyo dhamaan ba isu socodkii ganacsi oo yaraaday xayiraada awgeed.

Saamaynta ugu badan illaa hadda waxa ay ku dhacday bahda waxbarasha oo gebi ahaan ba ku tiirsanaa dhaqaalaha ay ardaydu soo galiso. Waxa ku adkaatay in ay awood u yeeshaan kirada goobta ay wax ku dhigayeen oo marka loo eego baaxada uu iskuulku leegyahay ay lacagta kiradoodu u kala qaalisanayd.

Macalimiinta madarisadaha quraanka oo markoodii horaba ku tiirsanaa dakhliga yar ee kasoo gala ardayda ayey gabi ahaan ba hoos u dhacay dakhligii soo gali jiray tan oo nolol maalimoodkooda saamayn ku yeelatay.
Waxa saamayn wayn oo dhaqaale soo food saartay dhamaan ba dadkii ka hoos adeegsan jiray iskuulka sida meheradihii ku xidhnaa in ay ardayda wax ka iibiyaan.

Hudheelada sii ba kuwa hurdada loo adeegsado isku socodka oo xidhmay waxa soo food saaray dhaaqaale xumo aad u baahsan madaama oo uu istaagay isku socodkii dadka qurbaha ka imanayaa.
Xafiisyada tigidhada diyaaradaha ku shaqo lahaa (Travel Agency) isku socod la’aanta uu keenay xanuunku waxa ay saamayn way ku yeelatay dhamaan ba xafiisyada ka shaqaysan jiray in ay bulshada u qabtaan adeega tigidh jarida. Meheradahani waxa ay dhamaan ba ku teedsan yihiin faras magaalaha oo aynu ognahay kirada ay xafiisyadooda u gu jiraan. Dadka ku hawlan waxa ay shakhsi ahaan iigu sheegeen in aanay mudoo sadex bilood ka badan jarin wax tigidh ah oo ahayd shaqada kaliya ee ay hayaan, taasna ay u dheertahay kiradooda oo qaali ah oo bil walba laga rabo.
Haddii si qoto dheer loo sii dabo galo oo haaya’daha ku shaqo lihi sii daba galaan waxa la ogaan karaa baaxada saamaynta dhaqaale ee uu ina gaadhsiiyey COVID-19.

Warbixin ay soo saartay haaya’da NADFOR ayey ku sheegeen 710,0000 oo ku nool magaalooyinku in ay ku jiraan xaalad ay u baahanyihiin caawimo deg deg ah oo lagu kabo noloshooda.
Maxaan ku talin lahaa (Recommendations)
In gudidda loo magacaabay COVID-19 ay hoos u eegaan qiimayna ku sameeyaan dadka ay saamaynta u gu badan ee dhaqaale gaadhsiiyey xanuunku sidda, goobaha wax barashada iyo ganacsiga ku xidhnaa isku socodka ( Travel Agency) oo ay awooda saraan in lacagahooda ay wax ka gaadhi karaan kana kafayn karaan ugu yaraan kirooyinka laba ama sadexdii bilood ee u dambeeyey.
In Macalimiinta quraanka hoos loo eego noloshooda gacana ay ka gaystaan gudiddu in ay diwaan galin karaan kadibna dhaqaalahood kabi karaan.
In dawladu dadka mulkiilayaasha ah ee goobaha waxbarasho iska leh ka dayn karto inta sannadka ka hadhay cashuurta macaash macaash taa badalkeedana la gu amro in ay u naxariistaa iskuulada kirada kaga jiray iyo xafiisyada.
In dawladu la timaado qorshayaal cad cad oo kor loogu soo qaadi karo ganacsi yar yar.

 

Abdikadir Barawani
BA in Economics, PG Leadership and Management
Barawani10@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker