Wariye Cabdimaalik Coldoon oo lagu sii Daayay Cafis Madaxweyne

Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa kadib markii uu xidhnaa muddo sannad ka badan Cabdimaalik Coldoon ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne.

 

Halkan hoose ka daawo

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa  wareegto madaxweyne oo uu soo saaray maanta ku cafiyey Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Sidaasna waxa lagu sheegay wareegto uu ku seexnaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo u qornayd sidan:-

“Markaan arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 90aad xubintiisa 5aad

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, qodobkiisa 149;

Markaan Tixgeliyey: Codsiga Odayaasha iyo waxgaradka maxbuuska ee ku taariikhaysan 19/05/2020 iyo sababaha ay cuskadeen;

Markaan Arkay; Soo jeedinta xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/113/2020, kuna taariikhaysan 22/05/2020.

Markaan la tashaday; Hay’addaha ay khusayso.

Waxaan go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah maxaabiista xuKuman ee ku jira xabsiga dhexe.

 

 

Allaa Mahad leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker