ARINTA CAARRE W/Q: Ahmed Bille

Caarre wuxuu mudan yahay in la Taageero mid dhaqaale mid Hub iyo mid Xog-siineed ba! Ha yaabin sababta i waydii Caarre ilaa hadda kama hayno Afkiisa wax ummada Somaliland kala kaxaynaya ama Colaad Abuuraya Sida Muuse Biixi oo Beelaha Somaliland qaarkood Yidhi ilaa Awoowgood baan ka adkaan jiray, ama Nuux Taani oo Beelaha qaar yidhi ha iska tagaan iyo inuu Rag Somaliland u dhaawacmay yidhi wax ba nooma ay qaban mid ogaada Taani SNM ma ahayn weligii xariiq ama xagtin yari Somaliland uma gaadhin Halka Rag u dhaawacmay uu leeyahay wax ba nama tarin, weliba Taani wax la sheegay markii Dagaalada socdeen inuu ka mid ahaa qoladdii Mareexaan ka Kismaanyo ula qaxday ee beri dambe dib Noolka Hartiga Jubaland uga soo bixiyeen.

Caarre ilaa hadda wuxuu afkiisa ka sheegayaa inuu Dulmi tirsanayo waana Runtii oo Dulmiga dhamaanteen baa ka markhaati ka ah, sidoo kale wuxuu inoo sheegay inuu Wanaag rabo sidaas darteed inaga oo dhan baa wanaag rabna markaa cidii wanaag rabta waa in aynu taageeraa si aynu wanaaga u helo.

Ilaa hadda Wax Kibir ahi kama muuqdaan Caarre isagaa ba Nabada iyo Wanaaga Baryaya halka Berigii hore kooxda Xukunka haysaa Nabadda baryi jirtay weliba Dadka lacag kaga iibsan jirtay maanta Caarre ayaa nabad iyo wanaag baryaya.

CAARRE WAX AAN QABAA WAA NASRI ILAAHAY INOO SOO DIRAY.

qolyaha Caarre ay is gaadhaan wax ka codsanayaa inay hal Talo iga gaadhsiiyaan Caarre wax aan kula Talinayaa inuu Jabhadda Cid walba oo dulmi Tirsanaysa u furo inay soo geli karto sidoo kale wax aan kula dardaarmayaa inuu Cadaaladda ilaaliyo haduu cadaaladda ilaaliyo wuu Guulaysanayaa oo anaa huba.

 

QALLINKII AHMED BILLE Oo KA MID AH DHALINYARADDA AQOONYAHANKA EE REER SOMALILAND

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker