Taalibaan Oo Xabsiga Dhigtay 600 oo qof kana tisan kooxda Daacish

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in halista ay kooxda Daacish ku tahay dalka Afghanistan “hadda la xakameeyey,’ inkasta oo ay jiraan weeraro dhiig badan uu ku daatay oo dhowaanahan lagu dilay tobanaan qof.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Daacish “aysan aheyn halis weyn,” isaga oo intaas ku daray in 600 oo isugu jira xubnaha kooxda iyo taageerayaashooda la xidhay tan iyo markii ay Taalibaan la wareegtay gacan ku haynta dalka, bartamihii bishii August.

Waxa uu sheegay in xitaa ay dhowr haween ah ka mid yihiin kuwa la qabtay, kuwaasi oo ay su’aalo weydiin doonaan haween kale.

“Tiro badan ma joogaan Afghanistan, sababtoo ah ma haystaan taageerada shacabka,” ayuu yiri Mujahid, oo intaas ku daray in Taalibaan ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda.

Taalibaan ayaa rumeysan in Daacish ay tahay xagjir u ololeysa “jihaal calami ah,” halka ayaga ay yihiin kuwa qarankooda u halgamaya.

Daacish ayaa 2014-tii kasoo caan baxday Syria, waxayna dhiiri gelisay kooxo badan oo caalamka ka dhisan, ayada oo kooxda Daacish ee Afghanistan ay isku magacowday Khorasan, oo ah magaca taariikhiga ah ee gobolka hadda u kala baxay dalalka Afghanistan, Iran, Pakistan iyo Turkmenistan.

Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in si ka duwan Daacishta Bariga Dhexe, ay kooxda Daacish ee Khorasan badankeed yihiin dagaal-yahano gudaha ah oo aan halis ku aheyn dalal kale.

Kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo dhimasho leh oo dalka ka dhacay tan iyo markii ay Taalibaan xukunka kusoo laabatay.

Mid ka mid ah weeraradii ugu dambeeyey, ayey dagaal-yahanada Daacish bishii November ku weerareen isbitaal militari oo ku yaalla Kabul, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 19 qof, kuna dhaawaceen in ka badan 50 kale.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker