Dhaqamadii iyo caadooyinkii kulmiyihii kala danbeeyey jamhuuriyada ku ababiyeen aynu is dul taagno.

Dhaqamadii iyo caadooyinkii kulmiyihii kala danbeeyey jamhuuriyada ku ababiyeen aynu is dul taagno. Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Awrka danbe awrka hore ayuu socod kiisa leeyahay” madaxwaynaha hada talada dalka hayaa aad buu u dhibsan jirey kulmiyihii hore siduu wax u hogaamiyo. Maanta hogaanka isagaa haya ee maxaa is bedelay.

Xukuumadii hore ee uu gadhwadeenka ka ahaa axmed siilaanyo bilawgii hore markii ay ku guuleysteen hogaanka dalka waxay ku soo galeen firfircooni iyo hab saami isleega oo dhamaan bulshada u cuntanta. sanadkii hore waa loo riyaaqay waxaana bulshada u bidhiiqday ileys yar oo nidaam xukuumadeeda. Dadka waagaa siyaasada aad ula socday ee waliba faalada iyo tallo bixinta ka geysan jirey waxay u arkayeen kulmiyahaa axmed wataa inuu duulimaad ku yahay soomaliland.

Hase ahaatee xisbigii kulmiye jawigii kaanbeynka wuxuu ku wajahay xirfadii ay yaqaaneen oo ahayd qabyaalad, kala qaybin, iyo nac umada leysu galiyo. Xukuumadu markii ay dhalatay bulshada si loo ilowsiiyo wixii ololaha waxaa loo daaray bilowgiiba heeso iyo indha sarcaad wax-qabadnimo.
Xukuumadii axmed siilaanyo markii ay labo jirsatay kitaabkii u qarsoonaa way la soo baxday oo judhiiba waa forentiga hore ee siyaasada waxaa ka soo ciyaaray afar wasiir oo isku hayb ah. Bulshada amakaag iyo la` yaab bay ku noqotay afartan wasiir ee isku beesha ah.

Hadana dawladii siilaanyo markay sadex jirsatay waxaa is muujiyey in rolekii madaxwaynuhu meesha ka maqanyahay oo awoodii madaxwaynaha waxaa loo nisbeeyey cid gooniya. Waxaa kolkiiba soo baxay wasiir ka awood badan wasiirada dhigiiya oo isagu taliya go`aanada iyo awaamiirtana laga qaato.

Markii mudo isha si weyn loogu hayay nidaamka dalku u socda ayaa isna waxaa mar qudha soo mudh yidhi bulshadana si weyn carabka ugu qabatay safiirka u fadhiya dawlada imaaraatka carab soomaliland oo lagu magacaabi jirey baashe cawil. Markii wiilkan awoodiisa iyo shaqsiyadiisu waxay tahay la arkeyba shacabku waxay boodh ka soo jafeen magac caan uga ahaa gayiga waa “moogane’ wiilkii waxaa loo aqoonsaday moorgan.

Dawladii waxay isu bedeshay nimaad ah (family government partial system) awoodii waxaa isku hirdiyey qoyskii madaxtooyada oo dano kala hirdisanaaya. Shacabku shaki weyn oo qadhaadh bay ku noqotay sida xukuumadii isu dhalan rogtay.

Xukuumadii axmed siilaanyo dhacdooyinka la`yaabka noqday ee ilaa hada shacabka u sii sawiran waxaa ka mida qof aan waligii shaqo tagin oo hadana hantiilo noqday guryo fooqaqana magaalada ka dhistay. Sidoo kale yaabku wuxuu noqday cidkasta oo madaxwayne siilaanyo ay isku beel ahaayeen wasaarada ama goobta shaqo ee dawladu leedahay isagoo jooga madaxna aan ka ahayn inuu si dadban u maamulo meeshana looga danbeeyo.

Kulmiyaha uu gadhwadeenka ka yahay muuse biixi oo shalay saluugsanaa xukuumadaa hore isagu siduu wax u wadaa iminka.

Muuse biixi wuxuu ololihii ku galay xirfadii iyo xeeladii kulmiyihii hore ku galay kaanbeynka tabtan iyo xeeladan mar waa ku dheefay marna waa ku khasaaray. Mar ku dheef oo kursigii uu u tartamaayay ku gaadh. Marna ku khasaar oo ilaa hada wuxuu la tiictiicayaa kala dilkii shacabka nacii dhexdooda leysu galiyey.

Xukuumadii uu dhisay isagu barro ayuu dheereysiiyey kulmiyihii hore wuxuu durbadiiba beeshiisa ku xeerey meelkasta/booskasta oo muhiim ahayd. Xukuumadiisu isagoon sanad jirsanba ayuu caadooyin kulmiyihii hore ka yaabiya la soo baxay. Durbaba waxaa bilaabantay koox lagu magacaabo heego oo wasiirada xitaa miisaska u garaacda awaamiirna siisa.

Waxaa durbadiiba la maqlay magacyo fajaciso ku noqday shacabka oo ah qoyska madaxwaynaha. Waxaa soo baxay ganacsade da`yar oo xukuumadan la dhashay iliilkasta oo dhaqaalana isaga loo waarido. Waxaa isna mudh soo yidhi wiil abti loo yahay oo markii hore aan lahayn shirkado balse iminka laga yaabay inta shirkadood ee uu leeyahya. Waxaa isna dheesha soo galay wiil sodog loo yahay oo isna dhinaciisa ka shaqaysanaaya.

Hadii xukuumadii hore lahayd moorgan isla xukuumadan biixi way leedahay moorgan xoogan. Xukuumadii hore may lahayn maslax balse xukuumadan biixi waxaa la kowsaday maslax. Xukuumadii hore may lahayn wiil abti loo yahay. Balse biixi waxaa la kowsaday wiil abti loo yahay.

Madaxwayne muuse biixi wuxuu si dadban fagaare uga magacaabay nomination inan uu dhalay. Maalinkuu dhakhtarka ka jaraayay xadhiga waxa uu tiraabay inan uu dhalay inay halkan ka shaqayso hadalkaasi magacaabid dadban bay ahayd. Waxaanu farta ku fiiqay in inantaa si ba`an looga danbeeyo. Inantu shalay shaqaalaha kama tilmaaneyn balse maanta way ka tilmaanantahay. Waxaa loo ixtiraamayaa si ka duwan sidii hore.

Durbadiiba xukuumadan waa laga rajo dhigay oo waxaa loo arkaa iney tahay dawlad macaan jecela oo hanti urursi iyo waxaan macno dhaamin ku foogan.

Shacabka soomaliland waxaa u daaran heeskan qaaliga ah ee luuqdeeda bilan ay ku toociso codkii dhedig Faadumo cabdilaaahi maandeeq.

 

 

Ma jinbaa ma jaanbaa
Mise jaha wareerbay
Arintayadu joogtaa
Sawtaa jarihii aan waday
Dhankale u janjeedhsamay.

 

 

Cadhod Badar Cadhod

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker