Caare & Ciidanka Qaranka

Qabyaaladu waxay fashilantaa marka ay hagto siyaasada qaranka. Derajada Ciidanka Qaranku cadaalad kuma salaysna. Sabab. Beesha Subeer Awal taariikhiyan Taliyaha Ciidanka Qaranka waxaa ku taraxay oo keliya Mujaahid-Jen Xasan Cali Abokor! Jirtoo Ciidankeenu muddo dheer bilaa derajo ahaa oo saraakiishii sabirtay & Madaxweyna Siilaanyo oo ku dhiiraday bixinta derajdu xusid mudan yihiin, laakiin adiguba waad adkaysan lahayd hadii inaadeerka jenanka sadex ama laba jeer ku soo noq noqdo. Tusaale General Nuux Ismail Taani wuxuu Taliyaha Ciidanka noqday sadex jeer; AHN Mujaahid-Gen. Habane sadex jeer; General Shaqale laba jeer! Dhinaca kale jirtoo Madaxweyne M.I. Cigaal Hussien Axmed Guuleed u gartay inuu haq u leeyahay taliye ciidan laakiin wuxuu u magacaabay booliiska! Heybad la khasaareeyey. Haybsoocnimadu waxay lid ku tahay qaranimada.

Goormay ku haboonayd in ciidanka derejada la siiyo? Fikriyan November 1994 markii dagaalka sooke qarxay! Saraakiisha meleeshiyaduna derajada bay ku gorgortami lahaayeen. Xulafaysiga suufkuna waxay difaacaan bay heliyalahaayeen. Sababta ciidanku mudadaa bilaa derajada u ahaa waa xal-xidhaalaha siyaasada ee kaartada qabyada.

Fikriyan Kornayl Caare wuxuu gutay waajibaadkii ay siyaasiyiintu ku fashilmeen. Ceeb ma aha in dulmiga laga danqadaa. Waana waajib in derajada Ciidanka Qaranka cadaalad lagu qaybsadaa. Tusaale; dalka maraykanka kuliyada tobabarka saraakiisha ee WestPoint sanadkii waxaa gala 435 Sarkaa-murashax oo matala kuraasida golaha wakiilada. Macnawiyan Sarkaal walba waxaa soo magacaaba Xildhibaan.

Taariikhiyan lixdamaadkii ciidaankii boliiska soomaaliyeed wuxuu hormood u ahaa Africa. Ciidan dhisan oo dayuurado leh oo hufan oo doorashooyinka maamula buu ahaa. Waxaa dhisay AHN General M. Abshir Muuse. Laakiin laaxin baa ku jiray nidaamka derajada. Mr. Jama Urdoox baa soo bandhigay fadeexadii galaafatay Gen. Abshir. Tusaale: sideedii hogaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed beesha Majeerteen waxaa ku taraxay hogaankii farsamada oo ka soo jeeday beelaha Carab-Barawaani! Halka sideedii taliye qaybeed ay Majeerteen ku taraxeen laba kornay oo Isaaq ah! Cadaalad? Waa sababta AHN M.I. Cigaal u xilka uga xayuubiyey Gen. Abshir.

Maxaa xal ah? Waxaa munaasib ah in madaxweynuhu sinxiga balaadhiyo oo uu magacaabo Ciidamadii Cirka & Badda & Taliyayaashoodii si saraakiil cusub fursad u helaan. Thank you

 

Abdihakim Yusuf Kheire

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker