Haweenaydii Silvia ee Ururka Alshabaab U Afduubnay mudada oo Islaamtay

Silvia Romano, oo shalay dib ugu laabtay dalka Talyaaniga kadib 18 bilood oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab, ayaa shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay.

 

Silvia, oo ah gabadh ka shaqeysa Samafalka oo November 2018 laga soo afduubtay Kenya, ayaa Talyaaniga ka degtay ayada oo Xidhan Xijaab iyo dirac Soomaali, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan inay islaamtay.

Waxayna xaqiijisay in sidaas ay dhacday, “Waa run, waxaan qaatay diinta Islaamka. Laakiin waxay ahayd ikhtiyaarkayga xorta ah”

Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu yimid badhtamihii ay Gacanta ugu  Jirtay Ururka Alshabaab .

islamarkana uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo ana lagu qasbin.

“Waxaa la I weydiiyey inaan Aqristo Qur’aanka, kadibna waan ku qancay, anigaana doortay inaan qaato diinta Islaamka, oo ma ahayn mid la igu qasbay,” ayey tidhi Silvia Romano oo ay soo xigteen warbaahinta Talyaaniga.

 

“Bilihii la i haystay waxaan sidoo kale bartay qaar ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay i bareen kuwii I haystay, waxaana mar walba la isiin jiray kitaabka qur’aanka oo aan Aqrisan jiray.”

 

Silvia waxay sidoo kale sheegtay inuusan jirin wax guur ama Xidhiidh ah oo ay la sameysay kuwii haystay.

 

“Qaadashadeed diinta waxay ahayd mid ku timid si tartiib ah. Ma jirin wax guur ama xidhiidh ah oo aan la lahaa kuwii I haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayey tidhi Silvia Romano.

 

Waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale loola dhaqmay si wanaagsan islamarkaana aysan ku xidhneyn qol, balse Loo ogolaa  dhaq-dhaqaaqo ayada oo dusha sare lagala soconayo.

 

“Waxay ii xaqiijiyeen inaan la I dili doonin, balse meelo badan oo kala duwan oo weliba xaafado la degan yahay ayaa la ii wareejin jiray muddo kadib,” ayey tidhi.

Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.

“E’ vero, mi sono convertita all’Islam. Ma è stata una mia libera scelta – ha chiarito Silvia Romano -, non c’è stata nessuna costrizione da parte dei rapitori che mi hanno trattato sempre con umanità. Non è vero invece che sono stata costretta a sposarmi, non ho avuto costrizioni fisiche né violenze”.

 

“Grande rispetto per ciò che Silvia Romano ha vissuto e per ogni sua decisione”. Lo ha detto don Enrico Parazzoli, parroco di Casoretto, quartiere di Milano dove vivono i genitori di Silvia, invitando al massimo rispetto nei confronti di una persona che “per un lungo anno e mezzo ha rischiato ogni giorno la vita.

chiedendosi quotidianamente se avrebbe visto il domani”. Il monito del sacerdote è rivolto soprattutto all’eccessivo clamore dato ad una ipotetica conversione di Silvia all’Islam: “Nessuno di noi sa cosa significhi essere rapiti, essere in una costrizione psicologica, e poi il concetto di conversione per l’Islam è più contrattuale,

è una sorta di contratto: ti impegni ad osservare determinate regole e questo ti garantisce una sorta di protezione. Che ne sappiamo noi se magari le hanno detto ‘o ti sposi o te ne facciamo di tutti i colori’? Su questa cosa ci vuole silenzio di chi non sa e rispetto”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker