Dablay Hubaysan oo 100 Qof ku Dilay Galbeedka Ethiopia

 

Dablay aan heybtooda la Aqoonsan ayaa in ka badan 100 qof ku dishay weerar ay ku qaadeen tuulo ku taal Galbeedka Itoobiya, sidaasna Waxaa  sheegay Guddiga Xuquuqul insaanka ee dalkaasi.


Kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Xarun Caafimaad oo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegtay in in ka badan 30 qof la dhigay xarunta, oo ay ku jiraan qaar xaaladoodu liidato.

 

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la toogtay, halka kuwa kalena la tooreeyay, ayay hadalkeeda ku sii dartay kal-kaalisada.

 

Weerarkii Arbacadii ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ayaa yimid maalin kadib booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

 

Bayaan ay soo saareen, Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taal aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker