Jawaab: Isu ekeenshaha fikir ee Amiir Axmed Godane iyo Seyid maxamed Cabdulle Xasan

Maqaal cinwaanka sare wata ayaa ku soo baxay shebekedda Burcoonline todobaadkan 24/5/2019, kaas oo uu qoray Khadar Mohamed Aar. Maqaalkaasi wuxuu si qotodheer u eegayay isu ekaanshaha iyo kala duwanaanshaha labada hoggaamiye ee kala qarniga noolaa. Qoraagu wuxuu ka afeeftay khaladaadka dhici kara ee ku fakan kara maqaalkan. Khalad lama qaataan aha ayuu ku fakaday maqaalkii Khadar M Aar, kaas oo ah gabay aan Axmed Godane shaqo ku lahayn oo uu qoraagu maqaalku ku siiyey Axmed Cabbdi Godane.
Gabaygaa waxaa la yidhaahdaa ”Galangal”, waxaa tiriyey abwaanka Maxamed Ibraahim warsame Hadraawi, wuxuu ka tiriyey Muqdisho sanadkii 1970, Wuxuu abwaanku gabaygan u tiriyey niman reer Vietnam ahaa oo dalka booqasho ku yimi, dagaal qadhaadhna kula jiray maraykanka oo dalkooda weereray. Nimankaa ayaa Hadraawi niyada ugu dhisay. Haddii aad gabaygan iyo warkiisa u baahantahay ka akhriso diiwaanka Halkaraan ee uu qoray Hadraawi. Gabaygaas oo aad u dheer una farshaxan sareeya badhtamihiisa ayay ka mid yihiin tuducyadan uu qoraagu maqaalka ku soo qootay waxaayna u dhignaayeen sidan:
nimanyahow gantaalaha subkaye, gamaska dhiigeeyay
nimanyahow galkiyo seefta yidhi, gees u kala leexda
nimanyahow sidii awr gurgura, caynku gubi waayey
nimanyahow garbaha buuxsadee, raray gardaadkooda
nimanyahow gadoodiga bartiyo, galow la soojeedka
nimanyahow habeenkii gudee, guura-bahaleeyay
nimanyahow gadiidkii socdee, meel hadh gali waayey
nimanyahow sariir lagu gam’iyo, gogal ka dheeraaday
nimanyahow guryaha diiday iyo, gaari lala seexdo
nimanyahow gasiinkii ka tagey, gaws wax lagu qaato
gudcur dama cirkoo gibil xidhoo, dhibic is gaadhsiiyey
nimanyahow gudgude soo curtiyo, guuxu kari waayey
gabadannada nimanyow dugsadey, goorad laga hoyday
nimanyahow gabboodkiyo dugsiga, gellina hayn waayey
gudguduudka waagiyo saq-dhaxe, maalin kala guurtay
mugdi gaba’ cadceed gaasa-baxa, waaga galacdiisa
nimanyahow gumaystaha ku jaray, gaadmo iyo weerar
miinada gumaadkiyo xeryaha, gaadhka lagu meershay
nimanyahow sidii aarka guda, guudka kaga booday
nimanyahow guddoonsadey inaan, godobtu duugoobin
nimanyahow ma guurtada xuska le, geliyey taariikhda
haddaydaan adduunyada gilgilin, xil i ma guuleene
laabtayda kama soo go’een, tix iyo geeraar e
gocashada dareenkiyo murtida, amase guurowga
waxad gaysateen buu ku yimi, gabayga joogaaye
Wuxuu ahaa gabay aad u dheer ee qofkii xiiseeyaa ha ka dhagaysto halkan iyadoo Hadraawi tirinayo.
“Galangal”: Hadraawi

 

Mohamed Abokor Yuusuf
Mohmed.abokor@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker