Dhimashada rayidka ee Suudaan oo gaadhay 822 oo qof

Dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidamada Birmadka Degdegga ah (RSF) iyo kuwa milatariga Suuudaan ayey midowga dhaqaatiirta suudaan ku sheegeen 822 qo halka dhawaca lagu qiyaasay 3,215 oo qof.

Iska hor imaadka hubaysan oo qarxay 15 kii bishii April ayaa kasii daraya iyada oo uu buray heshiis lagu kala sixiixday magaalada Jedda ee Sucuudiga oo ay ka mid ahayd in dadka rayidka ah la ilaaliyo loona ogalaado in ay si nabad ah uga baxaan goobaha dagaalka iyo in gargaar la gaarsiiyo.

“Magaalada El-geneina ee woqooyoga Daarfuur ayaa la kulantay isku dhacyadii ugu cuslaa tan iyo intii uu bilowaday dagaalku… iyada oo ay ku dhinteen 280 in ka badan 16o kale ay ku dhaawacmeen labadii maalmood ee u dambeysa” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga facebook ee dhaqaatiirta Suudaan.

Sida lagsoo xigtay midowga dhaqaatiirta,magaalooyinka ay dadku ku dhinteen waxaa ka mida Caasimadda dalkaas ee KHartuum , Bahri iyo Omdurman iyo sidoo kale Al Cubeid caasimadda gobolka Kordofan.

Dagaalka oo hadda galay bishii labaad ayaa sidoo kale bara kiciyey ku dhawaad milyan dad sida lagasoo xigtay Qaramada Midoobey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker