Abwaan Dacwad Ka Gudbiyey Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa Oo Qabatay Xus Ku Cusub Dhegaha Shacabka
Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) oo ka mid ah Suugaanyahannada Somaliland, ayaa ka hadlay Xus loogu Magac-daray โMaalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenkaโ kaasi oo 28-kii bishan May lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Yuusuf-shaacirย ย ayaa sheegay inay wax dhaqanka ku cusub tahay in Maalin gaar ah loo sameeyo Caadada Haweenka, sidaasi darteedna uu Laamaha Dawladda ee ay khusayso u gudbiyey Dacwad ka dhan ah, si buu yidhi wax looga qabto.
Abwaanka oo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi โKulankaa waxa loogu Magac-daray โMaalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenkaโ arrinkaasi wuxuu ahaa arrin ku cusub Dadka, dhaqanka iyo Diintaba. facebook-gooda markaa gasho waxa ku sii qoran aynu jabino Deyrka ka hadal laโaanta Caadada Dumarka. Caadadu waynu ognahay waa wax Caafimaadka Dumarka la xidhiidha oo Diinteedu si wanaagsan oo asturan uga hadashay, laakiin in Xaflad loo sameeyo oo la yidhaahdo Maalin baa lagu xusayaa gaar ah, waa wax aad u cajaaโib ah oo innagu soo kordhay.โ
Abwaanku waxa kale oo uu sheegay โMeelo badan baan u gudbiyey Dacwadda, waxaan u gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta oo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Labada Gole ee Baarlamaanka Guddiyadooda anshaxa waanu u gudbinay, Ciddii kale ee ay khusaysana waanu u gudbinaynaa, sida Guddida wanaag-farista. Madaxweynahana halkan farriin baan uga gudbinayaa ah, wuxuu ku dhaartay inuu ilaalinayo Diinta, Dalka iyo Dadkaba, markaa inuu arrintaa Tallaabo ka qaado ayaan farriin ugu dirayaa..โayuu yidhi.
Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaan dhankeeda ka hadlin Hadalka Abwaan Yuusuf-shaacir.