Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali Oo Gaadhay Magaalada Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa goordhow gaadhay magaalada dalka  Djibouti, waxaana garoonka diyaaradaha Ambouli ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Jibouti.

 

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana uu ka mid yahay martida lagu casuumay ka qeyb galka shirka sida uu horay u sheegay marigaliyaha shirka Ismaaciil Cumar Geelle.

Furitaanka Shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, safiirrada Mareykanka, midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker