SYL, gumeysi ayaa aasaasay!

Ururka SYL waxa la aasaasay 15 May, 1943-kii, waxaana aasaasay dhallinyar ay tiradoodu ahayd 13, iyagoo markii hore u bixiyey magaca SYC (Somali Youth Club), balse bishii Maarij ee sannadkii 1947-kii ayaa magicii ururka loo rogay SYL (Somali Youth League), kuna caan-baxay magaca “Leego” oo af-Taliyaani ah. Taasi waa taariikhda ururka oo aanay la socon waayihii, wacyigii, dhacdooyinkii iyo xaqiiqooyinkii uu la jaanqaadayey soo if-baxa ururukani. Dad badan ayaa ururkan ku sheega inuu ahaa mid Waddani ahaa oo gobonnimadii 1960-kii qayb weyn ku lahaa, xaqiiqadu se ma sidasaa? Mise waa ay ka duwan tahay?

Bilowgii dagaalkii labaad ee dunida, waxa uu loollan adagi dhulka Soomaalida ku dhex maray labadii gumeyste ee Ingiriiska iyo Taliyaaniga, kuwaas oo kala maamulayey dhulka Soomaalilaan iyo arlada Soomaaliya. Judhii horeba waxa laga adkaaday dowladdii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulka Soomaalilaan, labadii gobol ee Soomaaliya iyo Soomaalilaan iyo gebi ahaan Itoobiyana waxa gacanta ku dhigay Taliyaani, taariikhdu markii ay ahayd Maarij 1941-kii, kaasi oo maamulayey muddo lix bilood ah. Ingiriisku guul-darradaas kuma quusan ee waxa uu soo qaaday dagaal rogaal-celin ah, Bishii Ogos 1941-kii ayuu weerar cir iyo dhul ah ka soo qaaday dhowr goobood oo ay ciidankiisu fadhiyeen, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen Kiiniya iyo Yeman, hardan adag kadibna waxa dhulkii Soomaalida gebi ahaanba laga qaaday Taliyaani, sidoo kalena Taliyaaniga waxa laga saaray gobolka Geeska Afrika oo dhan. Sidaas ayaanu Ingiriisku dib ugu qabsaday Soomaalilaan, gacantana ugu dhigay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya. Wakhtigaas waxa gacanta Ingiriiska ku jiray afar gobol oo ka mid ah shanta gobol ee ay Soomaalidu degto, kaliya Jabuuti oo uu Faransiis ka talinayey ayaa ka maqnayd. Haddaba Ingiriisku waxa uu isku dayey inuu dajiyo xeelad uu ku sii haysto dhulka baaxaddaas leh, maadaama oo uu ogaa inuu dagaalka kadib Taliyaanigu dood ka dhigan doono in loo soo celiyo dhulkii hore looga qaaday oo ay ku jiraan Soomaaliya (Koonfur) iyo Liibiya. Doodda uu Taliyaanigu ku codsanayey in loogu soo celiyo dhulalkaas laga qaaday oo uu dhaqaale badani ka soo geli jiray waxa ay cuskanaysay in shacabka Taliyaanigu ka soo hor jeedeen kaligii taliyihii maamulayey dalkaas, maadaama oo ay iyagu gacantooda ku dileen oo markhaati adag u ahayd in aanay taageersanayn. Haddaba Ingiriis si uu dooddaas Taliyaaniga u buriyo, una xaqiijiyo himiladiisa ah inuu ka taliyo afarta gobol ee Soomaalida ee gacantiisa ku jiray, waxa uu abuuray ururukii SYL kaasi oo uu u soo dhiibay mabda’iisa ah in dhulka Soomaalida uu hal maamul ka taliyo (waa halka ay marka dambe ka dhalan doonto aragtida Soomaaliweyn). Fikirkaasi ahaa midaynta shanta Soomaaliyeed sax iyo khalad kuu doonaba ha ahaado’e, waxa u riyaaqay Soomaali badan, maadaama oo uu danaha Soomaalida u adeegayey sidii loo arkayey, waxaana ay taasi keentay inuu si degdeg ah u fido. Ingiriisku waxa uu qaaday tallaabooyin badan oo uu ku dhimayo taageerada ay shacabka Koonfureed u hayeen gumeysigii Taliyaaniga, waxaana ka mid ahayd inuu dalka ka dhoofiyey jaaliyad badan oo asal ahaan ka soo jeedday Taliyaaniga, oo uu Taliyaanigu dhulka koonfureed ku beeray. SYL, waxa ay si badheedh ah ula safatay Ingiriiska sannadkii 1948-kii kolkii ay Qaramada Midoobay soo dirtay wefti qiimeeya rabitaanka shacabka Soomaaliyada Koonfureed ku noolaa. Muddaharaadka ay SYL soo abaabushay waxa uu si cad ugu adeegayey danaha Ingiriiska ee ahaa sii haysadka afarta gobol, waa muddaharaadka Koonfur looga yaqaanno “Dhagax-tuurka”. SYL waxa ay si wanaagsan u caawisay danaha uu lahaa gumeysigii Ingiriisku, maadaama oo aasaaska iyo hana-qaadka ururukanba uu Ingiriisku gacan weyn ka geystay. Ugu dambayntii Taliyaanigu dib ayuu ugu soo noqday Koonfurta isaga oo sita magaca Wasaayadda, waxa uuna tallaabooyin aar-gudasho ah ku sameeyey qaar ka mid ah xubnihii SYL maadaama oo ay Ingiriis taageersanaayeen. Aragtida Soomaaliweyn waxa iska lahaa Ingiriiska, gaar ahaan Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee dowladdaas Ingriiska Ernest Bevin maadaama oo ay aragtidaasi u adeegaysay danaha ay dowladdaasi ka lahayd dhulka Soomaalida, waxaana ay soo dhex marsatay ururkii ay iyadu aasaastay ee SYL, mana jiro hal qof oo Soomaali ah oo sheegan kara aragtidaas inuu lahaa.

 

 

Qore: Maxamed Sharma’arke

sharmaake91@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker