Maxamuud Cabdi Shide “Tuur” iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” LABA NIN OO ISKU ADEER AH (Qaybtii 6aad) Maxamed Xoosh

Odhaada laga soo dheegtay falsafada XUKUNKA ayaa tidhaa “Kursigu Hogaamiye Ma Sameeyo Balse Hogaamiyaha Ayaa Kursiga Macne u Sameeya”
Bal aynu eegno sifooyinka muujinaya hogaamiyanimada Muj : Maxamuud Cabdi Shide AHN
1- Wuxuu jeclaa in dadka ka agdhow uu tababar siiyo xaguu ka odhan lahaa shaqeeya, Sidoo kale waxa ka muuqatay afcaashiisa INAGGA OO DHAN xaguu ka odhan lahaa ANIGGA “Sifooyinka Hogaamineed” Ingagoo Somaliland ah
2-Wuxuu lahaa Maskax Hal-abuur leh kolba waxa cusub ee soo dega “Internetkii ugu horeeyay” ama xalal cusub oo lagu maaraynaayo wixii lasoo gudboonaada
3-Wuxuu jeclaa in dadku helaan XOG jaban oo bilaash ah si ay uga qayb qaataan masiirka iyo maamulka dalkooda “xogta in la qariyo iyo in dadka la lumiyo ayaa isku xidhan”
4- Shaqaalaha ama dadka ka agdhow isagaa dhiiri galin jiray wuxuu ahaa “Geed la hadhsado”
BAL aynu eegno Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo leh sifooyin Maareeye ama Maamul shirkadeed
1-Waxa ka muuqata shaqaalaha dawlada hoose in lagu yidhi SHAQEEYA balse aan tababar badan aan la siin , sida muwaadinka loola dhaqmo ayay markhaati u ah
2- Waxa weli lagu maamulaa dawladda hoose ee hargeysa sidii weligeedba lagu maamuli jiray waxa u markhaatiya “buuqa dadweynaha ee joogtada ah”
3- Shaqaalaha dawlada hoose waxay ka baqaan AMARADDA xaga sare kaga yimaad balse shaqada sideeda uma wadaan “Adigoo Wasto adag haystamooyee”
4-Dadka caasimadda degan ilaa imika xog rasmiya kama helaan dawlada hoose, waxaan hubaa haddii ay XOG DAAH FURAN dadweynaha loosoo badhi dhigi lahaa in dad badan iska nasan lahaayeen oo aan anigu ku jiro.
Alle Mahad Leh
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker