Soonka iyo Sayniska Qaybta labaad. Qalinkii: Sadam Osman kaabash

Barnaamij taxane oo aan idiin soo gudbin doono bishan barakaysan, Soonqaad. Qaybta labaad, Soonka iyo saamaynta caafimaad ee uu kaga hortago Faaliga.

Soonku waxa uu ka hortag u yahay xanuunada ku dhaca kelyaha, wadnaha, iyo maskaxda. Marka qofku yeesho miisaan xad dhaafa waxaa is na la bata halista caafimaad darro ee ammin kasta uu la jaari karo. Waxaa bilaabma gufaysan ku yimaada xididadiisa. Waxaa ku duxa oo si’ baahsan ugu samaysma dhamaan xididiisa “Dufanka jidhka” isaga oo aakhirka keena in uu xubno ka mid ah jidhkiisa sida kelyaha, wadnaha iyo maskaxda uu dhiig kaga  furmo; qarax ku yimi xididadii gaadhi jiray awgeed. Daraasadaha cilmi baadhiseedna waxay tilmaamayaan in  Soonka Bishan Barakaysanina  shiilo oo uu la dagaalamo dufankan. Soonku waxa uu yareeya heerka duxda jidhka.
Atherosclerosis, waa marka unugya-gudeedka xididadu ay noqdaan mug ahaan  kuwa dhuudhuubnaada oo aan iska xejinayn dhiiga faraha badan ee marayaa iyo xoog cadaadiseedka kaga imaanaya tuuridda dhiiga si’ loo gaadhsiiyo qaybaha jidhka.
Halbawlayaashu waxay qaadaan dhiiga ka yimaadda wadnaha, waxayna gaadhsiiyaan qaybaha kale geddisan ee jidhka. Xididadaas waxa oogo-gudeedkooda ku hareeraysan teed unugyo ah oo dhiiga xididka maraaya siiya oogo isku simman oo is-le’eg si’ dhiigu hawl yaraana u guureeyo xididka dhexdiisa. Unuyada waxaa loo yaqaanaa “endothelium”
Jirradan ama astaantan xanuun ee “atherosclerosis” waxa uu bilaabmaa marka unugyo gudeedkii xididadu ay dhaawacmaan, sababtoo ah waxaa ku samaysmay dahaadh adag oo uu sameeyey dufanka jidhku ‘cholestrol’.
Dahaadhkan adag si’ uu jidhku isaga saaro waxa ii hawlgeliyaa unugyada dhiiga ee la dagaalama walxaha dheeraadka ah ee jidhka ku soo biira, gaar ahaan,  si’  uu isaga nadiifiyo waxan ku dhegay oogada hoose ee halbawlayaasha. Nasiib darro se, unugyadu jaanis uma helayaan in ay marinkan banneeyaan taas bedelkeedana waxa ku dhegaya dufanka xididka ku dhex samaysmay.
Dahaadhkan adag ee loo yaqaano ‘atherosclerosis’ waxa uu sababa  in xididkii noqdo mid mug ahaan yar, dhiigyar oo xawli ku socdaana maraayo. Waxaa kale badanaaya xoogga uu dhiigu xididka ku maraayo iyo oogada hoose ee xididka, taasina waxay keenaysaa dhaawac xilli kasta dhici kara hadaan loo dhugyeelan. Xanuunkani waxa uu ku dhacaa qofka buurnida xad dhaafka ah qaba, qofka habkiisa cuno cunistu aanu ku astaysnayn quudashada cunto dheellitiran. Waana jirada ugu horraysa ee sababta xanuunada wadna xanuunka ama gaar ahaan, faaliga.
Cilmi baadhisaha wakhti xaadirkan la sameeyey waxa caddeyeen in faaligu yahay xanuun ka ugu badan ee dadka ku dhaca. Gaar ahaan ka ugu horreeya tobanka xanuun ee dilaaga ah.
Xanuunkan atherosclerosis waxa uu awdaa xididada dhiiga geeya maskaxda, wadnaha, iyo kelyahay.
Halbawlaha  kelyaha dhiiga geeya waxa looyaqaanaa renal artery. Waa halbawlaha kellida dhiiga waraabiya. Haddi gufaysankan uu gaadho xididkan waxay keentaa qofka oo ay kelyuhu si’ medis shaqada u joojiyaan. Kamadanbaystana keenta in qofkaasi si dedega u geeriyoodo.
Halbawlaha dhiiga geeya wadanaha waxa loo yaqaana Coronary artery. Heerka dufanka ee dhiiga dhex burqanayaa haddii uu bato waxaa halis ah in qofku si kamadanbaysa ay ugu dhacdo xanuunka wadna xanuunka sida Angina.
Carotid artery waa Halbawlaha qaybaha maskaxda gaadhsiiya dhiiga. Waa xididka ugu muhiimsan ee masxkaxda gaadha. Waa marinka quudiya habdhiska dareenwadka. Xididkani marka uu gufaysmo waxaa jidhka la soo dersa xanuun ka stroke (faaliga) waana xanuunka sababa in maskaxda dhiig ku furmo sababtoo ah waxaa qarxaaya halbawlaha dhiiga gaadhsiiya maskaxda.
Fekerka aqoonyahanka
Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker