Hogaamiye Xirsi Xaaji Xasan wuxuu Dooddii kaga Adkaaday Maxamuud Xaashi

Hogaamiye Xirsi badheedhihii uu doodda kaga qayb-galey, waxay aheyd
(waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin). Ex Wasiir Maxamuud Xaashina wuxuu taagnaa halkii Nuur Xaashigii yidh:
Wallaahi xayntuna ha iska-oontee inaanu runta sheegi.
Saaxibayaal waxaan isku dayi doonnaa in aan falan qayn kooban ku sameeyo
Dooddii xiisaha badneyd ee todobaadkan, Hargeysa lagu qabtay ee lagaga doodayey wada hadaladii Soamaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday ee hakadka galey.
Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa in ay wada hadaladaasi sii socdaan mise in halkaa lagu joojiyo? Doodan xiisaha badneyd waxa ka qayb galey Lixda siyaasi ee kala ahaa:
1: PROF Axmed Ismaacil Samatar
2: ENG Maxamed Xaashi Cilmi
3: Sucaad Carmiye
4 : PROF: Abyan
5: Ex Wasiir Maxamuud Xaashi
6: Hogaamiye Xirsi.
Haddaba saaxibayaal waxaan falan qayntan ku soo koobayaa doodii dhex martay.
Hogaamiye Xirsi iyo Ex Wasiir Maxamuud Xaashi sababta aan labadooda u doortay waxay tahay labadooduba waxay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waana labada xubnood ee kaliya ee dooda ka qayb galey ee wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya ka qayb gali jiray markaa labadooduba waxay goob joog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen.
In kasta oo afarta xubnood ee kale ee dooda ka qayb galeyba ay ahaayeen dhammaantood dad leh miisaan siyaasadeed haba ugu horeeye PRO Axmed Ismaacil Samatar sidaa darteed Ayaan u doortay in aan is bar bar dhig ku sameeyo doodii hogaamiye Xirsi iyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi.
Hogaamiye xirsi waxa uu si aan gabasho lahayn ugu dooday in xukumadii uu ka tirsnaa ee Siilaanyo ay ku saxneyd inay wada hadal la furto Somaliya iyo waliba faa’dooyin la taaban karo laga helay iyo in wada hadalada la sii wado.
Doodani waxay waafaqsan tahay intii uu xirsi markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa ummda u sheegi jiray.

Ex Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ku dooday in wada hadaladii Soamliland iyo Soomaaliya ay noqdeen ma dhaleys laguna khasaarey wax faa’iido ah oo Somaliland ay ka heshayna aanu jiri wada hadalkaasi. Hadalkani waxa uukhilaafsanyahay Maxamuud Xaashi markii uu Wasiirka Duulista ahaa iyo markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wixii uu ummada u sheegi jiray.
Haddaba, marka aynu eegno doodii dhex martay labadaa Wasiir ee hore ee ka wada tirsanaa xukumadii hore xogogaalkana ahaa aynu falan qayno waxay aniga iila muuqadtaa sidan:
Hogaamiye Xirsi wuxuu si geesinimo leh u difaacay mawqifkii ama rayigii uu ka rumaysnaa wada hadaladii u socday Soamaliland iyo Soomaaliya waana calaamada muujineysa in uu yahay siyaasi aan ka gabanin waxa uu rumaysan yahay waxana laga hayaa Alle ha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin.
Ex Wasiir Maxamuud Xaashi doodiisii waxay ku saleys neyd sida dadka qaarkii aaminsan yahay oo ah mar haddii ay xukumadi Meesha ka baxdo Madaxwenuhuna xilka ka dago in la difaaco in aanay faa’iido ku dhex jirin isaga oo Maxamuud Xaashi isku qanciyey in aanu Siilaanyo Maanta madaxweyne aheyn isaguna aanu Wasiirkii Madaxtooyada aheyn. Sidaa darteed wuxuu isticmaaley maah maahdii aheyd (Nin bari ayaa socod ku roon) ee wixii eed ah u sii xambaari Madaxweynihii xilka ka dagay ee Siilaanyo iyo xukumadiisii oo uu ku calaamadiyey in ay Soamliland u hor seedeen wada hadalo lagu khasaarey oo ma dhaleys noqday sidoo kalena waxa ka muuqatay raali galin badan oo uu u hayey madaxweynaha hada xilka haya Mudane Muuse Biixi iyo xukamadiisaba oo iyagu shaki badan ka qaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa qisadan soo socota .
Nin oday ah, (oo xayn yar oo adhiya lahaa) ayaa maalin maal-maha ka mida, waxaa markhaati been ah, u qabsaday odaygii lahaa barkada ay xayntan adhiga ahi ka cabto oo waliba si bilaash ah ama lacag la’aan ah odayga xaynta yar haysta loogu waraabin jiray. xilliguna waa jiilaal oo biyo la‘aan badan baa jirtay xayntii yareyd-na kalkeedii-baa taagan oo waxay u sii jeedaa xaggii barkada markaasaa odaygii barkada lahaa intuu waxaan jirin sheegay amma arrin aan dhicin sheega- iyada oo meel makhaayada la wada fadhiyo ayuu yidhi:
Qoodhii iyo xeradiin-ba waakan I hor fadhiyee Nuur Xaashi-ba waydiiya isaggaa markhaati goob joog ka ahaaye, Nuur Xaashi mar xayntii yareyd iyo biyo la’aantii jirtay ayuu eegay marna xaga Ilaahey buu eegay iyo markhaatiga beenta ah, ee loo qabsaday dabadeed hadalkii uu Nuur Xaashi naftiisa kula faqayey ayaa dibadda u soo baxay oo la maqley si aan ku talo gal aheyn, waxaanu yidhi: wallaahi xayntuna ha iska oontee inaanu runta sheegi.
Nin oday ahaa oo goobta fadhiyey oo barkada eeryada ugu wayna lahaa ayaa dhaar iyo xilo fur ku maray oo yidhi: Nuur Xaashiyoow intaan Noolahay xayntaadu waxay ka cabeysaa barakadayda ee runta sheeg Nuur Xaashina sidii buu runta ku sheegay oo markhaatigii beenta ahaana kaga badbaaday Hadaba qisadan waxaan u soo qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ah ee wixii ay shaley markay xilka hayeen sheegayeen wax ka duwan Maanta dadka u sheega.

Qallinkii: C/risaaq Suudi Nuur
Tell: 4425243
Email: suudi786@gmail.com
Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker