Xilliga hurdada haddii aad isticmaasho teleefoonka, sheekadan adiga ayay kugu socotaa

Khubarada caafimaadku waxay uga digeen dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada inay isticmaalan taleefannada gacanta xiliyada hurdada.

Dr. Shehu Saalax ayaa sheegay in isticmaalka teleefoonka gacanta uu qayb ka yahay waxyaabaha keena hurdo la’aanta.

Khabiirku wuxuu leeyahay qofka waa inuu kala saaraa wakhtiga hurdada iyo isticmaalka taleefankiisa. Taleefanka gacanta oo la isticmaalo xiliga hurdada ayaa keeni kara walwal iyo jiif la’aan iyo aragga indhaha oo naxuuso ama yaraada.

Ugu dambeyn dhakhaatiirta ayaa dadka kula talinaya in maadama hurdadu u wanaagsantahay caafimaadka ay tahay in arrintaas mudnaanta la siiyo oo qofku uu horey u seexdo uuna ku nagaado ilaa laga gaarayo wakhtiga ku habboon inuu ka kaco.

Aqoonyahannada ayaa ka digaya keniiniyada hurdada ee xad-dhaafka loo isticmaalo kuwaas oo faa’iidooyinkodu yaryihiin saameyntooda caafimaadna ay darantahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker