Maxaad ka ogtahay in dhulka iyo qabiilada Somaliyeed ku abtirsadaan magacaantii Boqoradii Reer Awdal?

Wadanka maanta la yidhaa Somaliya iyo inta xeeranba waxaa ka talin jiray,Ifaat/Yifaat/Awfal ama Adal Empire.Boqortooyadani waxay leedahay taariikh dheer oo la hayo iyo luntayba.Waxaa la hayaa inuu Samaroon Saciid Daauud afgambi ku qabsaday isaga oo ahaa Diiwaan haya Boqortooyada,markaasi oo uu ahaa Wiil  aad ugu fogaaday aqoonta Fiqhiga iyo aqoonta kale ee maadiga ah.Maadaamaa uu ka dhashay Qooys aad looga dambeeyo ayuuu Boqortooyada Reer Makhzuun ee shewa u ahaa Diiwaan haye.Boqortooyada lafteedu waxay ahayd mid Carbeed,sidaa waxaa qaba rag badan oo wax ka qoray wakhtigaasi.Haseyeeshee,qoraale kale ayaa  sheegaya inuu ka dhashay Qooyska Hogaaminayay Boqrtooyada oo la odhan Jiray,Reer Awbatkhadle,oo uu ahaa Wiil uu Awoow u ahaa Axmed Maxamed(Awbarkhadle),si kastaba ha ahaatee waxay Boqortooyadaasi soo shaac baxday,qarniidii,13-naad.
1250 CE,waxay tirada qoyskaasi ahayd,622 oo ka kooban intii oo dhalay,Imaan Samaalrone iyo wixii ay sii dhaleen,sidaa waxaa qoray Ibn Alwardi,Ibn Khaltuun iyo Al-Cumari.
Waxa kale oo ay sheegeen in qooyskaasi xakumaan,dhulka maanta la  yidhaa Ethopia,Somaliya ,Jibuuti iyo qaybo ka mid ah Areyeeriya.waxay intaa ku dareen in qoykaasi ay leeyihiin magac ah local ama degaanka ah,kaasi oo ay ku sheegeen,Tir/Dir,taasi oo ka dhigan – Duriyadii.Dir waxay la macno tahay,Duriyad sida ay sheegeen ragaasi wax ka qoray dawladaasi Cadale Sultanates of Islaam.
Marka laga reebo samaarlrone,the first oo hogaaminayay dawladaasi muddo ku dhaw 100 sano,waxaa soo raaca Imaam Cali  Saciid oo isna ahaa kii labaad ee ugu muddada dheeraa.
Cali Saciidka maanta ka tirsan Beesha Habar Yoonis,waxay asal ahaan ka miyihiin Beesha Samaaleone,taasi  waxay ku cadahay meelo badan oo kaa yaabinaya.Careed Saciid ayaa isna la mid ah.
waxaa dhacasay in dhulka Somaliyeed ay hal mar wada xakumayeenWiilal Walaao ah,kuwaasi oo ahaa Ilma Saciid.Waxaa tiradooda ila sheegay ilaa 30 Boqoryare oo midkastaa joogo degaan gaar ah.
Wali ayaa la odhan jiray magaca ay leeyihiin qoyskaasi.
Hadaba waxaa yaab ah in Beelaha Somaliyeed intooda badan ay wataan magacaantii Boqorada dawladaasi ka jiratay dhulka Somaliyeed.
Waxaa jira sheekh Isaxaaqa koobaad iyo sheekh Iaxaaqa labaad.
Sheekh Iasaxaq al-awal iyo sheekh Isaxaaq ataani.
Labadu way kala duwanyihiin.marka ay noolaayeena waxaa u dheexeya ilaa  70 sano.
Sheekh Iaxaaq al awal waxaa dhalay Samaaroon Saciid. Sheekh Ixaaq a taani waxaa dhalay Axmed Cali samaaroon.
Waa Isaaq axmed Cali Samaalrone.
Sheekh Ciise waa la mid.
Biyamaal Axemd,Aka Benu-Jamaal axmed waa la  mid,Zubeyr Al awal  ama Zubeyr ka koobaad sidoole.
Waxaa soo raaca Dhulnahanta iyo warsangaliga,Ogaadeen iyo qaybo ka mid Majeerteen.
Hadaba waxaa muuqata inay dadka Somaliyeed yihiin wax ka soo jeeda samaroon,in ay soo koriyeen iyo in la bahooday oo wada magacaantoodii oo laga haybaysan jiray.
Intaa waxaa dheer inuu dhulka Somaliyeed wato magac uu lahaa midka mid ah Boqoradii Reer Awdal.Taasi inuu cadaynaysa inuu magaca Somali ku abtirsado Reer Awdal – marka u horaysa ee la hayo magaca Somali,waxaa lagu arkay/maqlay Awdal.
Haatan ka hordhcimaayo uu diyaar uma ihi inaan halkan ku shaaciyo,laakiin dhulka Somaliyeed wuxuu abtirsadaa Reer Awdal.
Ahmed Adan Xuseen,Luton Uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker