Ciidamada Generaal Khaliif Xaftar Oo sheegtay inay Qabsadeen Magaalada Sirta

Xoogagga falaagada ah ee Liibiya ayaa sheegay in ay Qabsadeen magaalada Xeebta ku taala  ee Sirta  oo Noqonaysa goob muhiimad istaraatiji ah oo ay gacanta ku dhigeen.

 

Tan iyo markii magaalada laga saaray mitidiintii kooxda la baxday Dawladda Islaamka 2016, Magaalada  Sirta waxa gacanta ku hayey ciidamo taabacsan Xukuumada Liibiya ee Qaramada Midoobay Aqoonsantahay.

 

Xoogagga falaagada ah ee daacadda u ah Jeneraal Khaliifa Xaftar, ayaa mudo-ba waday guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalo madaxda Tripoli.

Balse waxaa ka hortimi iska Caabin adag uu ay kala kulmeen Ciidamada Dawlada La Aqoonsan yahay ee Madaxwayne Faaiz Siraaj.

Xukuumadduna  ilaa haatan kama ay hadal dhacdadan ah Sheega-shada Mucaaridka ee Gacan ku Dhigista Magaalada Sirta.

 

Qof ka mid ah dadka degan magaaalada Sirte ee woqooyiga dalka ku taal ee saaran badda Mediterranean-ka ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ay arkeen kolonyo baabuur ciidan ah oo ay leeyihiin xoogagga Xaftar hogaamiyo ee isku sheegay Ciidamada Qaranka Liibiya.

 

“Imika waxay qabsadeen qaybo badan oo magaalada ah, waxaana weli socda rasaas” ayuu yidhi qofka  oo  aan magaciisa la xusini.

Wararkani waxay soo baxayaan ka dib markii madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, shaaciyey in dalkiisu bilaabay in uu ciidamo u diro Dalka Liibiya Si ay U Taageeraan  Xukuumadda fadhigeedu yahay Tripoli.

 

Xukuumaddaa Qaramada Midoobay Aqoonsantahay .Xukuumada Madaxwayne Faais oo Taageero ka Hesha  Wadamada  Turkiga iyo Qatar halka Jeneraal Xaftar na ay taageerayaan Masar iyo Imaaraat-ku.

 

Xoogagga isku sheega Ciidamada Qaranka Liibiya waxay magaalada Sirte gacanta ku dhigeen ka dib markii diyaarado duqayn culus ku qaadeen markii hore.

 

“Sirte gabigeeda ba waa la xoreeyey….. waxa laga xoreeyey kooxihii argagixisada haa” ayuu yidhi af-hayeenka ciidamada Xaftar, Axmed Al-Mismaari , oo telefishanka ka hadlay.

 

Hadalkaa wuxu jeediyey waxa ka horeeyey qoraallo xidhiidh ahaa oo ay ku sheegayeen in ay qabsadeen goobo muhiim ah oo ku yaal magaalada, oo ay ka mid yihiin madaarka iyo in ay sidoo kale ku sii siqayaan “badhtamaha magaalada Sirte si ay uga sifeeyaan maleeshiyaadka hubaysan”.

 

Xukuumadda Liibiya weli si cad ugama ay hadal wararkaa sheegaya in magaaladaa laga qabsaday.
Sirte waxay ku taallaa badhtamaha labada qaybood ee ay kala haystaan maamulka iyo xoogaga dagaalka kula jira ee gacanta ku haya bariga iyo galbeedka dalka. Waxa ay sidoo kale u dhawdahay gobolka saliidda qani ku ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker