Sirtu waa ku qanacsanaanta hadba wixii aad haysato

Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinayaa in uu helo nolol ka fiican ta uu haysto. Waxaana hubaal ah in aan laysku raacsanayn liibaanta adduunyada iyo halka u sarraysa ee uu qofku derejo ka gaadhi karo. Dad badan ayaa aaminsan in guusha noloshu tahay in aad lacag badan hesho. Waxa ay kuwaasi ku doodayaan in ay hayntu tahay furaha guusha iyo ta qofka u goyn karta wax kasta oo uu jecelahay sida, caafimaad, farxad, jacayl, xasillooni, madadaalo, raaxo, awood iyo wixii la mid ah. Taa beddelkeeda waxa sidoo kale dad badani isku waafaqsan yihiin in nolosha macaankeeda ama libinteedu aanay ahaynba in aad adduun badan hesho balse ay tahay in aad haysato caafimaad, wax aad cunto, hoy, nabad, xorriyad iyo qaneeco kuu horseedda in aad iimaansato hadba waxa aad haysato, dariiq fiicanna aad u marto wixii korodhsiimo ah.
Nin taajir ahaa oo Ilaahay duunyo badan siiyay ayaa beri dalxiis ku tegay tuulo yar oo meel xeeb ah ku taalla. Tuuladu waxa ay ahayd meel ay u soo tamashle iyo nasasho tagaan dadka lacaglayda ahi. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo ninkii taajirka ahaa ku qorraxaysanaya badda xeeligeeda, waxa uu la kulmay nin kalluumaysato ah oo afar xabbo oo kalluun ah soo jillaabtay. Labadii nin way sheekaysteen, nin kastaana waxa uu ka waramay waayihiisa iyo waxa uu ku sugan yahay. Ninkii taajirka ahaa ayaa si wacan uga sheekeeyay hantida badan ee uu leeyahay iyo in uu yahay ganacsade weyn oo lacag badan haysta oo dalxiis ku yimid meesha. Intaa kadib waxa uu ninkii taajirka ahaa waraystay ninkii kalluumaystaha ahaa, waxaana dhexmartay sheekadan:

⦁ imisa saacadood ayay kugu qaadatay in aad afartan xabbo ee malayga ah soo jillaabato?
⦁ waxa ay igu qaadatay saddex saacadood.
⦁ ma saddex saacadood oo kaliya? oo maxaad saacado badan u shaqaysan wayday oo aad kalluun badan u soo qabsan wayday?
⦁ maalin walba waxa aan soo qabsadaa intii aniga iyo qoyskayga nagu filan. Markaa afartan midh ayaa naga badan maanta.
⦁ oo haddii aad saacadahan kooban oo qudha shaqayso maxaad wakhtiga intiisa kale qabataa?
⦁ qoyskayga ayaan wakhti la qaataa, asxaabtayda ayaan la kulmaa, ciyaaro iyo madadaalo ayaan wakhtiga in ka mid ah ku qaataa, inta kalena waan iska cibaadaystaa.
⦁ waan gartay. Ninyow talo ayaan ku siinayaa. Kalluunka ka ganacso oo ka iibi dukaanada iyo makhaayadaha tuulada, waxaanad maalintii shaqaysaa 10 saacadood. Kadib magaalooyinka waaweyn u wareeg oo halkaasi ganacsi fiican ka bilow. Waxaad noqon doontaa taajir lacag badan haysta.
⦁ oo imisa sanno ayay igu qaadanaysaa in aan lacag badan ku helo oo aan ganacsade weyn noqdo?
⦁ ilaa waxa ay kugu qaadan doontaa 25 sanno, waa haddii aad dadaasho. Kadib marka aad lacagaysato waad isaga soo guuri magaalooyinka waaweyn oo waxaad iska degi tuulo yar oo tan oo kale ah, maaddaama oo magaalooyinka waaweyni buuq badan yihiin. Tuulo yar oo tan oo kale ah ayaad fadhiga wax ku cuni, aanad wakhti fiican u heli qoyskaaga, asxaabtaada iyo wax kasta oo aad jeceshahayba.

Ninkii kalluumaystaha ahaa inta uu qoslay oo uu la yaabay sida ay noloshu giraanta u tahay ee halka uu maanta joogo uu ugu soo noqon doono haddii uu lacag kasta haysto ayaa ninkii taajirka ahaa ugu jawaabay:

⦁ oo ninyow haddii ay noloshu ugu danbaynta kuba soo ururayso intan aan imika haysto maxaaban halganka intaa leeg u gali oo aan aniga oo 60 jir ah ugu soo noqon tuuladii aan nolosha ka bilaabay? Imika ayaaban haystaa nolosha intii aasaaska u ahayd, waanan ku qanacsanahay.

Sheekadani waxa ay inna tusaysaa in noloshu kaliya aanay ahayn in aad lacag yeelato balse ay tahay in aad nolol xasiloon hesho. Waa mihiim in adduunyada si fiican looga shaqaysto balse sirtu maaha in qofku hadafkiisa koowaad ka dhigto sidii uu lacag badan u heli lahaa isaga oo wakhtigiisa oo dhan galinaya, una maraya jid kasta.
Muddooyinkan danbe waxa xoog isu soo dhawaaday dadyowgii dunida ee kala durugsanaa, waxaanay dunidii noqotay xaafad yar oo layska wada war hayo. Waxaana taasi fududeeyay aaladaha casriga ah ee maalinba maalinta ka danbaysa xawliga ku socda. Tani ayaa keentay in bulshooyin badan oo kala durugsanaa ay maanta is xaal ogaadaan, si dhib yarna u kala warqaataan. Waxa ay tani dhashay in badi dadka aalada casriga ah isticmaalaa ay dadka la wadaagaan waxyaabo badan oo noloshooda ku saabsan, iyaga oo mar walba wixii wanaagsan ee noloshooda ku soo kordha soo bandhigaya. Halka ay marar badanna buunbuuniyaan si ay asxaabtooda iyo dadka ku xidhan u tusaan in ay nolol fiican haystaan. Tani ayaa culays dhanka maskaxda ah ku keenta dadyow badan, kadib marka ay arkaan sawirrada iyo muuqaallada quruxda badan ee ay dadka kale soo dhiganayaan, waxaanay is waydiiyaan sababta ay iyagu noloshaa quruxda badan u heli waayeen. Sida ay cilmibaadhayaashu qirayaan dhallinyarada ayaa ugu badan kuwa uu dhaawaca ugu weyni soo gaadho, waayo aad ayay isugu faanaan mid kastaana waxa uu soo dhigaa hadba shayga noloshiisa ku soo kordhay. Sida, dhar cusub, gaadhi, cunto, xafladayn, dalxiis, carruur, guur iyo in badan oo kale. Marar badan waxa dhacda in qofka waxyaabahan quruxda badan soo dhigayaa aanu farxadba haysan balse uu haddana dadka kale waalayo, isaga oo ka beensheegaya noloshiisa dhabta ah iyo waayaha uu ku sugan yahay.

Hadal iyo dhammaan, liibaanteed adduunyada ninna laasan maayee, waxa mihiim ah in aynu oggaano in aanay noloshu kaliya ahayn in aad hesho lacag badan balse ay tahay in aad hesho qaneeco iyo dadnimo wanaagsan taasi oo kuu horseedda aqoon, lacag iyo degganaansho. Yaanu hadaf kaagu noqon maxaad adduun dhaqataa adiga oo xaaraan iyo xalaalba u maraya, balse ha noqdo maxaan dunida ku soo kordhin karaa? Hadba ku qanac inta aad hayso, waddo wacanna u mar inta kaa dhiman. Yoolkaagu ha noqdo maxaan maanta nolosha ku soo biirin karaa iyo sideen u caawin karaa inta jilicdasan ee aniga iga liidata. Ku kalsoonow noloshaada, dadaalna u mar halka aad hiigsanayso. Yaanay noloshaada hagin ama oo ayna dhaawac u gaysanin hadba wax ay hebel iyo heblaayo haystaan. Ilaahay ugu mahadceli nimcooyinka badan ee aad haysato, waydiisana inta kaa dhiman adiga oo dadaal ku daraya.

Abwaankii weynaa ee Maxamuud Tukaale ayay suugaantiisa ka mid ahayd intani:

Ha ka deyrin waligaa
Noloshaad la deris tahay
Ha doodin abidkaa
Mid kaloo ku dayasho ah.

Musa M. Isse
musa.m.isse@hotmail.com
2019-01-02
Istanbul, Turkiga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker